London (Himilonetwork) – Ada Keating, oo hooyo 98-jir ah oo dhashay afar carruur ah ayaa usoo wareegtay xarun karantiil oo lagu xanaaneeyo oo ku taalla Huyton, degmada Liverpool, si ay u daryeesho cunugeeda oo 80-jir ah.
Tom ayaa hoyga Moss View kusoo noqday sanadkii 2016-ka markii uu garowsaday inuusan in badan sii daryeeli karin naftiisa. Hooyadiis Ada ayaa sanad kadib kusoo biirtay markii la ogaaday inuu u baahan tahay taageero dheeraad ah. Hooyada iyo cunugeeda ayaa waqti halkan ku wada qaadanaya – maadaama Tom uusan abidkii wax dhalin.
Ada iyo seygeeda geeriyooday waxay isku dhaleen afar carruur ah –  – Tom, Barbara, Margi, iyo Janet. Ilmaheedu waxay usoo booqdaan si joogto ah. Wayna ku faraxsan yihiin inay dib mar kale u midoobaan.