Muqdisho (Himilonews) –
-
Sheekada Isaac Newton iyo tufaaxa.
Waa laga yaabaa inaad maqashay ama lagaaga sheekeyay markii aad dugsiga dhexe ama sare dhiganaysay sheeko kusaabsan markii uu Isaac Newton (25 December 1642 – 20 March 1726) uu fadhiyay geed Tufaax ah hoostiisa markii uu ogaaday inuu jiro cufis jiidadka dhulka “universal gravitation.” .
Kadib markii ay madaxa ugasoo dhacday mir ama xabad tufaax ah oo geedka kasoo go’day , dabadeedna uu bilaabay inuu kafakaro sababta ay mirtu kor u aadiwayday oo markasta oo uu kor utuurana ay hoos uun ugusoo laabanayso ! markii uu sidaas dhawr jeer sameeyay kadibna uu daahqaaday cilmigan cufisjiidadka dhulka , tasoo lamicno ah inay ah inay cilmi baaris kadis ahayd.
Laakiin waxaas oo dhan waa been , runta ayaana ah in Newton ay kuqaadatay mudo kudhaw 20 sano si uu xaqiiqda cilmigan ugaaro , sidoo kale waxaa jiray culimo kale oo dhanka sayniska ah oo uu caawimaad kahelay Christopher Wren, Robert Hooke iyo Edmond Halley.
-
Columbus ayaa ogaaday inuu dhulku usamaysan yahay qaab ukumeed.
Sheeko kasta oo nagasoo gaartay ama kusaabsan Christopher Columbus (Italian) waxay ubadan tahay been ama mid laga badbadiyay. waxaa laga yaabaa inaad hore umaqashay Columbus ayaa helay qaaradda America toosoo aanan waxba kajirin maadaama kumanaan sano hortii isaga ladaganaa qaaradaas .
Sidoo kale fikraddan ah in ninkani uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ogaada inuu dhulku usamaysanyahay qaabka ukunta (wareegsan) oo kale oo ah mid dugsiyo badan lagu dhigo waa mid aysan waxba kajirin.
Xaqiiqduna waxay tahay in aadanuhu ay 2000 oo sano kahor xitaa ogaayeen inuu dhulku ahayn mid fidsan , sida laga dheehday raadad cilmi ahaa oo ay katageen xadaarado dhawr ah kumanaan sano kahor , sidoo kale waxaa fikraddan hore uga hadlay xisaabyahano Greek iyo Muslimiin isugu jiray oo noolaa boqolaal sano kahor taariikhda miilaadiyada.
Columbus-na waxaaba jirtay inuu xitaa fikir khaldan kahaystay cabirka dhulka oo uu aaminsanaa inuu sida hadda kayar yahay, hayeeshee tani waxay kamid tahay beenaha hirgalay walina dugsiyada lagu dhigo.
-
Diamond-ku asal ahaan waa Dhuxul Dhagax .
Dad badan ayaa rumaysan in dheemantu ay markii hore ahayd ama ugu yaraan kasamaysan tahay dhuxul dhagax , laakiin waa been kale oo laga yaabo inaad kusoo baratay dugsiga.
Dheymantu asalka waxay kasamaysantaa macadin dhulka hoostiisa laga helo neefta carbon ka ayaase qaybta ugu badan ka ah , waxaana inta badan sameeya qaybta kore ee dhulkana keena folkanooyinka dhulka hoose kadhacaya.
Fikraddan isla xiriirinaysa labadan shayna waxaa beeninaya xaqiiqda ah in marka horeba ay nadir/dhif tahay in labadan shay isku meel laga helo.
-
Bini’aadanku waxay kasoo jeedaan xayawaanka Daanyeerka.