Marka loo eego Syed, waxay ku kacdaa hal lakh in lagu dhiso gaari yar kaas oo uu ku socdaalayey 10-kii sano ee ugu danbeyday. Hadda wuxuu dhibyari ku safray fogaan dhan 300 oo km. Waa guul laga mahdiyo dalweynaha Hindiya in laga helo hal-abuur la yimid hannaan is-badaleed kaas oo lama huraan u ah nolosha mujtamaca Hindiya.
Isaga oo ka hadlaya hal-curintiisa, Syed wuxuu yiri: “Waxaa dugsiga ka haray anigoo 15-jir ah: waxaana u halgamay nolosha qoysnimo. Balse waxaa igu shidnaa hiyi-waale xoogan oo ah inaan wax wax dheef u ah Aadanaha kusoo kordhiyo noloshooda isla laf ahaanteyda. Waxaan naftayda u sheegay inaan wax badali karo aniga oo 50-jir ah kahor intaan gabowgu igu imaan.”
Dhabtii way u rumooday himiladiisa tiiyoo ragaadyo badan uu kusoo dul joogsaday. “Waxaan rabay inaan ka yeelo socdaalkan mid waaya’arageed. Waxaan kusocdaa jidkiisa muddo 10-sano ah. Mana aqaan sidaan ku joojiyo.”
Yoolkiisa is-badal ayaa ah inuu wacyiga bulshada ku jeediyo halista hawada sii xumaaneysa iyo adeegsiga danabta laga dhaliyo cadceedda.