“Markii aan kasoo baxay qalliinka ama maalmo dhowr ah kadib, aabahay wuxuu ii sharaxay siday wax ku dhaceen. Wuxuu yiri: ‘Waxaad heshay 13 cutub (litir) oo dhiig ah,’ noloshaydana waxaa badbaadiyay dad aan aqoonin. Isaga laftiisa wuxuu ahaa dhiig-deeqe. Marka waxaan iri markaan anigana weynaado, waxaan noqon doonaa dhiig-deeqe ama dhiig-bixiye.”
-Dhibaatooyin dhimasho-
Wax yar kadib markii Harrison uu noqday dhiig-bixiye, dhaqaatiirtu way u yeeraan jireen. Dhiiggiisa, siday ku sheegeen, wuxuu jawaab u noqday dhibaatooyin badan oo dhimasho ku sigtay.
Tani waxay aheyd natiijada cudurka rhesus – oo ah xaalad dhiigga haweeneyda uurka leh uu bilaabo inuu weera unugyada ilmaha uurka-jiifa. Kiisaska ugu daran waxay ku dhalan kartaa wax-yeello maskaxeed ama dhimasho caruurta soo gaarta.
Harrison waxaa lasoo ogaaday inuu leeyahay jir-lid “anti-body” aan caadi aheyn oo dhiiggiisa ku jira—sanadkii 1960-kii, wuxuu la shaqeeyey dhaqaatiirta say u isticmaalaan jirlidyada si loo horumariyo tallaal lagu magacaabo Anti-D. Waxay haweenka kaga hortagtaa haweenka dhiig rhesus-taban ah inuu ku horumaro RhD jirlidyada xilli xaamilanimada.
“Australia waa mid kamid ah dalalka ugu horreeya ee soo saara dhiig-bixiye leh jir-lid. Sidaas darteed waxay si huban u noqotay kacdoon waqtiyeysan,” ayuu yiri Falkenmire.
Dhiigga Harrison waa qaali. Isaga iyo nuuca Anti-D waxaa loo madleeyey badbaadinta nolosha wax ka badan 2-malyuun oo dhallaan ah, marka loo eego waaxda dhiigga ee Bisha Cas ee Australia. Labada malyuun ee noolayaasha ah waxaa lagu badbaadiyay dhiigga hal nin oo kaliya.
“Dhiig kasta oo lagu deeqo waa qaali. Hayeeshe, midka Harrison waa qeyrul-caadi,” ayuu yiri Falkenmire. “Dhiiggiisa waxaa dhab ahaan loo adeegsadaa nolol-samata-bixiye—kaas oo la siiyo hooyooyinka dhiiggoodu uu halis ku yahay nolosha ilmaha calooshooda ku jira. Dhbic kasta oo Anti-D lagu sameeyo Australia waxay ka timid dhiigga James.
“Wax ka badan 17% haweenka Australia ayaa halista taagan, marka James wuxuu naga caawiyay badbaadada noolayaal badan.”
Mid kamid ah dhallaanada ku badbaaday dhiigga James waa dhalka Samuel kaas oo hadda shan toddobaad jir ah. Hooyadiisa, Kristy Pastor, waxay markii koobaad heshay tallaalka Anti-D inta lagu jiray uurkeeda labaad. Sababta jirlid ee dhiigga Harrison, yaraanka Samuel waxaa u dhashay dhalkii afaraad oo caafimaad qaba.
“Waxay hadda yiraahdeen waxaad u baahneyd tallaal,” ayay tiri. “Wax sii dheer kama sii fakiri jirin kadibna kolkii aan usii kuur-galay, waxaan soo helay James iyo sida cajiibka leh ee uu yahay iyo inta deeq ee uu sameeyey –taasi waxay aheyd sababtiisa oo idil.”
“Aad ban galad ugu celiyey waxayna ila tahay in James uu naftiisa u hurayo inuu deeqdiisa sii wado sidaas darteed waynu sii heysan karnaa tallaalka.”