Muqdisho (Himilonews) – Wiil Hindiyan ah oo ku dhashay afar lugood ayay ku saleeyeen “Sheydaan” dadka xaafadda la dagan–taas oo ka dhigtay inuu gaar-jooge ka noqdo bulshada dhexdeeda.
Arun Rajput, oo 20-jir ah, oo ku nool degmada Farrukhabad ee Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya, hadda wuxuu naawilayaa in qalliin lagu sameeyo uu maan-gal ka dhigi doono inuu nolol cusub anba-qaado.Â
Wuxuu yiri: “Dadku way igu qoslaan. Waxay iigu yeeraan sheydaan,”
“Qofna ima qadariyo. Waayo waxaan u muuqdaa si kale.”
“Hayeeshe, waxaan rabaa inaan mid kamid ah noqdo. Waxaan rabaa inaan sida ragga kale u shaqeysto.”
Hadda Rajput oo ah curadka afar walaalihiis ah, wuxuu u haliilayaa qalliin lagu sameeyo–kaas oo u suura-galiya inuu waxbarto: riyadiisa noloshana uu kaga rumeeyo taas oo ah inuu bare noqdo mustaqbalka.Â
Dheeraadka xubnood ee adimada Rajput oo la rumeysan yahay inay korriimo joogsadeen, waxay ka dhigan tahay inaanu si fiican u fariisan karin–socdaalkuna wuxuu ku noqday raaxa-beel maadaama uu dawaar si gaar ah ugu sameeya dharka aanu heli karin had iyo jeer.Â