MUQDISHO (HN) – Lammaane Muslim ah oo ku nool caasimadda Odisha ee Bhubaneswar ayaa lagu qasbay inay jilba-joogsadaan oo ay ku dhawaaqaan Jai Shri Ram iyo Jai Gau Mata, markii koox isku sheegtay ilaaliyayaasha lo’da ay ku eedeeyeen inay wateen hilib lo’aad.
Falkan ayaa dhacday 19-kii Agoosto, halka muuqaalka laga duubay iska horimaadka uu baraha bulshada soo galay 23-kii Agoosto.
Kooxda gau rakshaks ayaa la sheegay inay lammaanaha aflagaaddeeyeen oo bahdileen, iyaga oo ku amray inay jilba-joogsadaan, dhegahana qabsadaan, isla markaana ku celceliyaan hal-ku-dhegyada diimeed ee Hinduuga, halka kooxdaasi ay iyaduna ku dhawaaqaysay erayo ay ku taageerayaan Gau Mata oo ay dhacdada muuqaal ka duubayeen.
Mid kamid ah dadka kooxda katirsan ayaa la maqlayay isaga oo leh: “Dheh Jai Shri Ram, dheh Jai Gau Mata,” iyada oo lammaanihii ay u hoggaansameen amarka, isla markaana ay sheegeen inuu khalad dhacay. Dadka deegaanka qaarkood ayaa sidoo kale ku biiray ku dhawaaqista hal-ku-dhegyada.
Dhowr askari oo booliis ah ayaa goobta yimid si ay xaaladda u xakameeyaan.
Gowracidda lo’da ayaa Odisha laga xaddiday iyada oo la adeegsanayo Xeerka kahor-tagga Gowraca Lo’da oo soo baxay sannadkii 1960. Dowladda gobolka oo uu hoggaamiyo BJP ayaa sidoo kale ku dhawaaqday qorshe ay ku doonayso inay sharcigii 1960 ku beddesho nidaam sharci oo ka adag.