HomeDunida MuslimkaCabasho laga gudbiyay sarkaal BOOLIS markii ay ku salaantay 'Assalamu-Calaykum'

Cabasho laga gudbiyay sarkaal BOOLIS markii ay ku salaantay ‘Assalamu-Calaykum’

MUQDISHO (HN) – Cabasho ayaa loo gudbiyay xog-hayaha arrimaha gudaha ee gobalka West Bengal oo ka dhan ah sarkaal katirsan Booliiska Hindiya, Bushra Bano, markii muuqaal ay dhawaan soo duubtay oo ay kaga sheekaynaysay safarkeeda shaqo ku bilowday salaanta Islaamka oo Af-Urdu ah.

Hey’adda Hindu Legal Fund oo cabashada gudbisay ayaa kahor timid in sarkaaladdu muuqaalka ku bilowdo ‘Assalamualaikum‘, ay isticmaashay ‘Inshaallah‘, isla markaana ay kusoo gabagabaysay ‘Jazakallah.

Kooxdu waxay ku doodday sida sarkaal dowladeed oo xil haya matalayana dowladda Hindiya uu u ilaalinayo dhexdhexaadnimo, ayna tahay in marka uu bulshada si rasmi ah ula hadlayo uu isticmaalo erayo ay ku tilmaameen kuwo qaran sida Vande Mataram ama Jai Hind. Waxay sidoo kale dalbadeen in arrinta baaritaan rasmi ah lagu sameeyo.

Dhanka kale, sheekada Bushra Bano oo ku saabsan shaqadeeda waxay muujinaysaa safar wax-barasho iyo shaqo oo aad u dheer. Waxay ku dhalatay degmada Kannauj ee Uttar Pradesh, waxayna ka qalin-jabisay Jaamacadda Muslimiinta Aligarh (AMU) iyada oo marqaatiga PhD ka qaadatay culuumta maamulka. Waxay sidoo kale ku guulaysatay imtixaanka (NET), iyada oo heshay fursad cilmi-baaris oo Junior Research Fellowship ah.

Kadib guurkeeda iyo bilowga nolosha qoyska, waxay dhowr sannadood ka shaqaysay professor ku-xigeen gudaha Sacuudiga. Markii dambe waxay kusoo laabatay Hindiya iyada oo ujeeddadeedu ahayd inay ku guulaysato imtixaanka Union Public Service Commission (UPSC).

Waxay sheegtay in Residential Coaching Academy ee Jaamacadda Muslimiinta Aligarh ay ka caawisay diyaar-garowgeeda, iyadoo siisay agab waxbarasho, fursad maktabad iyo taxane imtixaanno tijaabo ah.

Sannadkii 2018, waxay UPSC ka gashay kaalinta 277-aad, waxaana loo qoondeeyay Indian Railway Traffic Service (IRTS). Hase yeeshee, waxay dib u dhigtay ku biirista shaqada maadaama ay xilligaas uur lahayd ilmaheedii labaad.

Sannadkii xigay ayay mar kale imtixaanka gashay, waxayna horumar ka samaysay natiijadeeda iyadoo gashay kaalinta 234-aad, taas oo u horseeday in loo doorto Indian Police Service (IPS).

Waxaa loo qoondeeyay qaybta West Bengal iyadoo ka tirsan dufcaddii saraakiisha 2021, waxayna shaqadeeda ka bilowday Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliiska (Assistant Superintendent of Police) ee Hooghly Rural. Bishii Juun ayaa loo dallacsiiyay Additional Superintendent of Police, waxaana hadda laga howlgeliyaa Kharagpur.

Cabashadan ayaa dhalisay dood ku saabsan luuqadda iyo dhexdhexaadnimada saraakiisha dowladda, halka muuqaalka Bushra Bano uu weli diiradda saarayo safarkeeda wax-barasho, hakadkii shaqadeeda oo la xiriiray qoyska, iyo guushii ay ugu dambayn ka gaartay mid kamid ah imtixaannada ugu tartanka badan Hindiya.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments