MUQDISHO (HN) – Dhaqanka loo yaqaan Mukbang, oo ah in qofku iska duubo isaga oo cunaya cunto aad u badan si uu u madadaaliyo daawadayaasha baraha bulshada, ayaa kamid noqday arrimaha ugu muranka badan dunida. Dad badan ayaa ku dhaliila inuu dhiirri-geliyo cunno xad-dhaaf ah, khasaaraha cuntada iyo haliso caafimaadka qatar ku ah.
Horraantii bishan, warbaahinta Shiinaha ayaa soo tebisay dhacdo naxdin leh oo ku saabsan gabar 3 sano jir ah oo lagu naaneyso Peiqi oo miisaankeedu gaaray 35 kiilogaram markii waalidkeed ay ka dhigeen xiddig Mukbang ah.
Waalidka Peiqi ayaa si joogto ah u duubi jiray iyada oo cunaysa cuntooyin dufan iyo kalooris badan leh, sida digaag shiilan iyo hilib dufan badan kadibna fiidiyowyada ku baahin jiray baraha bulshada sida Douyin, oo ah nooca TikTok ee Shiinaha.
Cinwaannada fiidiyowyada ay soo dhigi jireen waxaa kamid ahaa ereyo ay kamid yihiin: Gabar 3 sano jir ah oo cayilan oo leh rabitaan cunto oo la yaab leh, si ay usoo jiitaan daawadayaasha una kordhiyaan muuqaallada.
Markii miisaanka gabadha uu gaaray 35 kiilogaram, halka miisaanka caadiga ah ee carruurta da’deeda lagu qiyaaso ku dhowaad 15 kiilogaram, dad badan ayaa si adag u cambaareeyay waalidkeeda, iyaga oo ka dalbaday inay joojiyaan fiidiyowyada Mukbang.
Si kastaba, waalidka ayaa difaacay falalkooda, iyaga oo sheegay in gabadhoodu ay dhalatay iyada oo miisaankeedu ahaa qiyaastii 2.25 kiilogaram, isla markaana ay leedahay rabitaan cunto oo dabiici ah. Waxay sidoo kale ku doodeen inaysan ku dirqinin cunista oo xattaa lacagta ay ka helaan fiidiyowyada aysan daboolin kharashka cuntada.
Markii cadaadiska bulshada uu sii kordhay, baraha bulshada ayaa xiray akoonnadii Peiqi, halka waalidkeedna ay iyaguna tirtireen akoonnadoodii.
Kiiskan ayaa mar kale iftiimiyay doodda ka taagan isticmaalka carruurta yaryar si loo helo daawasho badan iyo faa’iido dhaqaale oo laga sameeyo baraha bulshada. Khubaradu waxay ka digayaan in carruurta loo adeegsado muuqaallada noocan oo kale ah ay yeelan karto cawaaqib caafimaad iyo mid nafsiyeed oo muddo dheer saameeya noloshooda.


