MUQDISHO (HN) – Booliska gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa magaalada Malegaon ka diiwaan-geliyay dacwad (FIR) ka dhan ah toddobo qof oo Muslimiin ah kuwaas oo lagu eedeeyay inay salaaddii Casar ku tukadeen gudaha xafiiska Waaxda Korontada ee Dowladda Hoose ee Malegaon.
Dacwadda waxaa gudbiyay Mahendra Raghunath Sawant, oo 43 jir ah kana shaqeeya bakhaarka waaxda korontada ee dowladda hoose.
Sida ku xusan warbixinta FIR-ta oo uu baraha bulshada ku baahiyay xildhibaankii hore ee BJP, Kirit Somaiya, dhacdadu waxay bilaabatay markii laba nin oo lagu kala magacaabo Salim iyo Lukman, oo ah guddoomiyaha Malegaon Lok Sangharsh Samiti ay la yimaadeen afar ilaa shan qof oo kale, iyaga oo dalbanaya xogo ku saabsan nalalka waddooyinka iyo diiwaannada la xiriira.
Sawant ayaa sheegay inuu u sheegay in Kormeeraha Korontada uu nalalka u qaaday si loogu rakibo xaafado kala duwan.
Kooxdu markii hore way baxday, balse waxay dib ugu soo laabatay abaare 5:00 galabnimo. Waxay sheegeen in la gaaray waqtigii salaadda Casar, isla markaana ay doonayaan inay ku tukanayaan gudaha xafiiska. Waxay intaas kusii dareen inaysan ka bixi doonin ilaa laga xalliyo arrinta nalalka waddooyinka.
Boolisku waxay dacwadda kusoo oogeen eedeymo ay kamid yihiin adeegsiga xoog ka dhan ah shaqaale dowladeed, carqaladeynta nidaamka guud, isu imaatin sharci-darro ah oo ka badan shan qof iyo mas’uuliyad wadajir ah. Waxaana lagu sii daray qodobo kale oo katirsan Sharciga Booliska Maharashtra.
Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka ee cabashada qabay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda hoose ay ugu yeereen kulan saacaddu markay ahayd 3:00 galabnimo si looga wada hadlo koronto la’aanta daba-dheeraatay iyo dhibaatooyinka nalalka waddooyinka. Waxay sheegeen in saacado badan la sugayay, waxaana intii ay sugayeen la gaaray waqtigii salaadda Casar ee bisha Ramadaan. Sidaas darteedna ayay gudaha xafiiska ugu tukadeen iyaga oo ka cabsi-qabay in kulanka la baajiyo haddii ay bannaanka u baxaan.
Muuqaal laga duubay tukashadoda salaadda oo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa dhaliyay falcelin xooggan.
Xildhibaankii hore ee BJP, Kirit Somaiya ayaa ku tilmaamay dhacdada mid sharci-darro ah, wuxuuna ugu baaqay Wasiirka Koowaad ee Maharashtra, Devendra Fadnavis, inuu tallaabo adag ka qaado arrintan oo ay ku jirto in shaqaalaha ku lugta leh shaqada laga joojiyo.
Sidoo kale, Wasiirka Maharashtra, Nitesh Rane, ayaa su’aal ka keenay sababta salaadda loogu tukaday xafiis dowladeed halkii masaajid lala aadi lahaa, isagoo ku dooday in arrintaasi aysan ku habboonayn dowladda sida uu isagu u arko.
Dhacdadan ayaa mar kale muujisay is-qabqabsiga ka taagan adeegyada dowladda hoose, xorriyadda muujinta diinta goobaha dadweynaha, iyo kala qeyb-sanaanta siyaasadeed ee ka jirta gobolka Maharashtra.