MUQDISHO (HN) – Waxay gabar Muslimad ah iyo wiil la socday oo isna Muslim ahaa ku joojiyeen meel u dhow bar-nasiino oo dadweynuhu ku nastaan. Waxayna ka qaadeen xijaabka kadibna waxay si qasab ah ugu mariyeen waxa loo yaqaan Sinduur oo ah dhibic cas oo wejiga loo mariyo gabdhaha Mushrikiinta ah kuwooda la qabo.
In kasta oo gabadhu ku calaacalaysay iska kay dhaafa iyo baryootan joogto ah, haddana cidna dheg jalaq uma aysan siineyn cabaadkeeda. Waxaana lagu sii waday dulleysiga sharafkeeda ilaa markii dambe ay iskood uga tageen.
Gabadhan Muslimadda ah iyo wiilka la socdayba waxay kasoo baxeen imtixaan waxayna kusii jeedeen xaafadahooda kahor inta aysan jidka kula kulmin manaxayaashan Mushrikiinta ah.
Dhacdadan waxay ka dhacday gobalka Bihar ee waqooyiga dalka Hindiya oo si xooggan ay uga taliyaan Xisbiga BJP oo uu hoggaamiyo Narendra Modi, ra’iisulwasaaraha Hindiya oo caan ku ah Islaam-naceybka iyo gumaadka Muslimiinta.
Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan la xiiira dhacdada. Waxaana ay sheegeen inay ku raadjoogaan labadii nin ee falkan ku sameeyey gabadha Muslimadda ah.