MUQDISHO (HN) – Maxkamadda Sare ee Allahabad ayaa dammaanad kusii daysay Nadeem oo ah nin Muslim ah oo kasoo jeeda Muzaffarnagar kadib markii uu ku dhowaad toddoba bilood ku jiray xabsi sababo la xiriira muuqaal uu ku daabacay Instagram-ka oo ku saabsanaa halku-dhegga muranka dhaliyay ee “I Love Mohammed”.
Garsoore Rajiv Lochan Shukla ayaa amray in lasii daayo Nadeem isaga oo sheegay in qoraalka ama muuqaalka lasoo ban-dhigay uusan si gaar ah u xuseynin qabiil ama bulsho gaar ah kicintooda.
Maxkamaddu waxay sheegtay in dacwad hore loo gudbiyay, isla markaana aysan muuqan in maxkamadayntiisu ay si dhow u dhammaan doonto.
Nadeem waxaa la xiray 7-dii Oktoobar 2025. Qareenkiisa ayaa codsaday dammaanad isaga oo ku dooday in muddada dheer oo uu xabsiga ku jiray ay tahay sabab loo sii daayo. Dowladda gobolkaas ayaa soo-jeedintan kahor timid.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku doodeen in muuqaalkiisu ahaa mid dadka kicinaya. Waxay tilmaameen inuu ku sheegay muuqaalka inuu ‘qoortiisa iyo tan dadka kale goyn doono’ isaga oo taageeraya halku-dheggaas. Booliiska ayaa muuqaalka la xiriiriyay xiisado diimeed iyo rabshado ka dhacay qeybo kamid ah Uttar Pradesh bishii Sebtembar 2025.
Muranka “I Love Mohammed” wuxuu horraantii bishii Sebtembar ka bilowday degmada Rawatpur ee magaalada Kanpur oo qaar kamid ah dadka Hinduuga ahi ay ka cawdeen boorar ay ku qornaayeen erayada “I Love Muhammad” oo lagu soo ban-dhigay munaasabadaha Dhalashada Nabiga ee bisha Mowliidka.
Booliiska ayaa boorarkaas ka qaaday waddooyinka iyaga oo sheegay inay jebinayeen xeerarka waddooyinka loo asteeyay isu-soo-baxyada. Arrintaas waxay dhalisay dacwado badan oo la xiriiray eedeymo ah in la isku dayay in la abuuro khilaaf bulsho.
Xiisaddu waxay kasii korortay magaalada Bareilly markii mudaharaadyo uu ku baaqay Maulana Tauqeer Raza Khan ay isku beddeleen rabshado kadib markii maamulka uu diiday oggolaanshaha dibadbax. Iska horimaadyo ayaa dhex maray mudaharaadayaasha iyo booliiska – iyada oo dibadbaxayaasha loo adeegsaday ulo iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya.
Sida ay sheegtay Ururka Xuquuqyada Rayidka, ugu yaraan 21 dacwadood ayaa la diiwaan-geliyay, in ka badan 1,300 qofna waxaa lagu soo oogay eedeymo la xiriira hal-ku-dheggan gudaha gobalka Uttar Pradesh iyo gobollada kale.