MUQDISHO (HN) – Rogers Olu Maguta ma ahan 27 jir caadi ah. Wuxuu ku dhex socdaa magaalada Nairobi isaga oo madaxa iyo garbaha ku sita shimbiro ugaarsi ah, wuxuuna waqtigiisa inta badan ku qaataa daryeelkooda ilaa ay diyaar u noqdaan inay dib ugu noqdaan duurka. Qaar kamid ah shimbirahaas ayaa si weyn ugu xirma oo aan rabin inay ka tagaan agtiisa. Balse isagu dhib kuma qabo; cunto kasta oo yar oo uu helo, Rogers wuxuu si farxad leh ula wadaagaa saaxiibbadiisa baalasha leh.
Ninkii Shimbiraha Nairobi ama ‘Nairobi Birdman’ waa sida loogu yaqaan gudaha Kenya. Waa hoylaawe ama darbi-jiife ilaaliya shimbiraha kaas oo markii ugu horreysay soo jiitay dareenka dunida sannadkii 2025 xilligii mudaharaadyada waaweyn ay ka dhacayeen caasimadda. Kumannaan dhallinyaro reer Kenyan ah ayaa isugu soo baxay Nairobi si ay uga bannaanbaxaan dowladda, Rogers-na wuxuu kamid noqday dadkaas. Muuqaalkiisa gaarka ah isaga oo madaxa iyo garbaha ku sita shimbiro noocyo kala duwan leh ayaa durba soo jiitay dareenka dadka waxaana kusoo xoomay dad badan.
Muuqaalkiisu waxaa sidoo kale bartilmaameed ka dhigtay ciidamada ammaanka oo kaga shakiyay inuu yahay hoggaamiye kamid ah dibadbaxayaasha, sidaas darteedna waxay si xun ugu garaaceen ulo. Hase yeeshee, dareenkaasi wuxuu lahaa dhinac kale oo wanaagsan, maadaama sawirrada isaga iyo shimbirihiisu ay si xawli ah ugu faafeen baraha bulshada, wuxuuna noqday astaan ay dad badani yaqaannaan.
Isagoo ku koray Nairobi, Rogers Olu Maguta wuxuu inta badan tegi jiray Lake Nakuru National Park si uu u daawado flamingo-yada, xuurta, qoolleyda madow ee ugaarsata iyo noocyo kale oo aan la soo koobi karin oo shimbiro ah. Wuxuu mar walba jeclaa shimbiraha, balse noloshiisu waxay is-beddeshay maalin kamid ah maalmahaas.
Shan sano kahor, markii ilmo yar oo dhaawacan oo katirsan nooca kite-ka uu agtiisa kusoo dhacay sidii isaga oo gargaar weydiisanaya. Wuxuu markaas fadhiyay geed hoostiis isaga oo cunaya cunto deeq ahaan loo siiyay isaga iyo dad kale oo hoylaawayaal ah, wuxuuna qayb kamid ah cuntadaas siiyay shimbirta.
Muddo yar gudaheed, Rogers iyo shimbirtii yarayd waxay yeesheen xiriir kalsooni ku dhisan. Wuxuu u bixiyay magaca Johnson, waxayna noqdeen laba aan kala maarmin. Dadku waxay dareemeen ninka shimbirtu garabka uga taagan tahay, waxayna bilaabeen inay u keenaan shimbiro kale oo dhaawacan. Inkasta oo aanu lahayn tababbar gaar ah, haddana wuxuu u daryeeli jiray sida ugu wanaagsan oo uu awoodo. caafimaadkoodana dib ayuu usoo celin jiray, kahor inta uusan duurka kusii dayn. Qaar kamid ah shimbirahaas ayaa sii joogay oo noqday saaxiibbadiisa. Sidaas ayaana ku dhashay magaca Ninka Shimbiraha Nairobi.
“Markay dadku i arkaan anigoo shimbiro wata, waxay u maleeyaan inaan adeegsanayo awoodo ka sarreeya kuwa dabiiciga ah. Dad badan waxay u haystaan inaan isticmaalo sixir ama fal,” ayuu Rogers ku yiri wareysi uu siiyay TRT. “Doorkaygu waa inaan caawiyo kadibna aan dib ugu sii daayo duurka.”

