HomeDunida Muslimka"Intaan Muslim ahayn, Hindiya way usoo qixi karaan." - Sharci Diimaha kale...

“Intaan Muslim ahayn, Hindiya way usoo qixi karaan.” – Sharci Diimaha kale siinaya mudnaanta Hindiya oo soo baxay!

MUQDISHO (HN) – Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in dadka heysta diimaha kala ah; Kiristanka, Buudiska, Hinduuska, Barisis-ka iyo Siikha kuwaas oo Hindiya ugu kala imaanayaa dalalka kala ah Afgaanistaan, Bangladesh iyo Bakistaan – kahor inta aan la gaarin 31 Disember sannadkan – ay waddanka kusoo geli karaan iyaga oo aan heysan baasaboor ama waraaqadaha socdaalka. Balse tani kama dhigna, sida ay hadalka u dhigeen, mid u damaanad-qaadaysa helidda dhalashada Hindiya.

Sharcigan oo soo baxay bishii Sebtember sannadkan, wuxuu dhigayaa in dadkii qaarad-weyntii la isku oran jiray Hindiya uga qaxay cabsi la xiriirta diimahooda ay kusoo gurya-noqon karaan dalweynaha Hindiya. Dalalka Nebaal iyo Buutaan iyagu kuma jirayaan kuwa dadkooda soo qixi karaan.

Hindisahan ayaa soo bilowday sannadkii 2014 markii xisbiga xagjirka ah ee BJP uu la wareegay talada dalka Hindiya.

Tallaabadan waxaa bartiisa X si weyn ugu faanay mid kamid ah wasiirada Hindiya.

“Go’aan guun ah ayaa marka kale loo gaaray tira-yarta ku nool dalalka Afgaanistaan, Bakistaan iyo Bangladesh – hadda dadka diimaha aan Muslimka ahayn heysta waxay si xor ah usoo geli karaan Hindiya iyaga oo aan wadan wax dukumentiyo scodaal ah,” ayuu yiri Sukanta Majumdar.

“Waana tallaab dhinaca cadaaladda iyo insaaniyadda loo qaaday.”

Sharcigan ayaa, sida iska cad, wuxuu gacan bidixaynayaa Muslimiinta Hindiya oo cid sidaan ugu soo gurmata aysan maanta joogin.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments