HomeDunida MuslimkaCarruurta Muslimiinta UK oo adduun dhan $132,000 u ururinaya walaalaha Falastiin iyo...

Carruurta Muslimiinta UK oo adduun dhan $132,000 u ururinaya walaalaha Falastiin iyo Yemen!

MUQDISHO (HN) — Carruurta Muslimiinta Britain waxay lacag dhan $132,000 ka ururiyeen mashruuca cunno karinta si ay u caawiyaan qoysaska Muslimiinta ah ee ku barakacay dalalka Falastiin iyo Yemen.

Ol’olahan bani-aadanimada, oo loogu magac daray Ramadan Kids, waxaa markii ugu horreysay bariga London kasoo bilaabay Zaavier Khan muddo hadda laga joogo afar sano.

Khan wuxuu markiisii ugu horreysay mashruuciisa bilaabay sannadkii 2021 si uu lacag ugu ururiyo sanduuqa cunnada UK. Sannadkii xigay ayuu haddana, isaga oo kaashanaya dhowr carruur jaalkiisa ah, wuxuu awooday inay ururiyaan adduun dhan  £10,000.

Sannadkii tagay, si kastaba, waxay awoodeen inay sare u dhigaan dakhliga uga soo xerooda mashruuca waxayna ururiyeen lacag dhan £42,000.

Kaalintooda ayaa iftiimisay sida carruurta Muslimiinta ah ay uga qeyb noqon karaan samafalka iyo u gargaaridda danyarta walaalahooda ee ku dhiban Bariga Dhexe.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments