HomeDunida MuslimkaFeeryahanka Kevin oo qaatay Islaamka.

Feeryahanka Kevin oo qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Mid kamid ah ku guuleystayaasha feerka miisaanka culus, Kevin Lee ayaa qaatay diinta Islaamka – waana tallaab la-yaab sunniyuhu la taagmaan ku noqotay taageerayaal badan oo uu leeyahay.

Feeryahankan 30 jirka ah ayaa qaatay Islaamka sannadkii 2021, wuxuuse si rasmi ah u daahrogay sannadkan 2023. Bartiisa twitter-ka ayuu uga mahadceliyay taageerayaashii u muujiyay jaceylka iyo garab istaagga. Wuxuuna sheegay in go’aankii ugu fiicnaa uu noloshiisa u qaaday markii uu diinta Islaamka doortay.

“Alle ayaa iska leh hidaayada: aad baana ugu faraxsanahay inaan Muslim ahay,” ayuu yiri.

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana – marka laga yimaado sheegashada Reer Galbeedka – la isla qirsan yahay inay tahay diinta ugu dadka badan caalamka maanta oo ay raacsan yihiin dad ka badan labo bilyan.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments