HomeDunida MuslimkaMasjidka Stockon oo loo oggolaaday codbaahiyaha inay ku aadaamaan!

Masjidka Stockon oo loo oggolaaday codbaahiyaha inay ku aadaamaan!

MUQDISHO (HN) — Markii ugu horreysay ayay dadka ku nool xaafadda Stockton-on-Tees ee waqooyi bari England waxay aadaanka salaadda ka maqleen codbaahiyaha.

Masjidka Farooq E Azam wuxuu noqday midkii koowaad ee aadaanka salaadda loo adeegsado codbaahiyaha ee deegaanka ku yaalla.

Dadaal badan ayay bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Stockton ku bixiyeen inay fasax u helaan adeegsiga codbaahiyaha si ay goorsheegtada xilliyada salaadaha ugu yeeraan Jamaacada.

1000 ayaa Jimcihii soo goobjoogsaday khubdadda. Waxaana ay tallaabtan ku tilmaameen mid bogaadin mudan.

Waxay sheegeen in oggolaanshiyahani uu dirayo farriin ah in Stockon aysan ka jirin naceyb iyo takoor ka dhan ah Muslimiinta.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments