crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Aabaha Pakistaniga ah ee dhalay 60 carruur ah. | HimiloNetwork

La kulan – Aabaha Pakistaniga ah ee dhalay 60 carruur ah.

MUQDISHO (HN) — 52 jir dhaqtar Pakistan u dhashay ayaa qabsaday hadalheynta dalkiisa kaddib markii la ogaaday inuu u dhashay ilmihii 60aad uuna doonayo inuu sii guursado si uu ubad badan usii dhalo.

Sardar Jan Mohammad Khan Khilji, oo ku nool Quetta oo ah caasimadda gobalka Balojistan wuxuu leeyahay qoysas ballaaran iyo ubad gaaraya 60 carruur ah. Hadda wuxuu qabaa saddex xaasas ah waxaana dhawaan u dhashay wiil loo bixiyay Khushal. Waa tiro aad ugu badan dadka qaar, hayeeshe Sardar wuxuu sheegay inuu sii doonayo ubad kale inay u dhashaan.

“Waxaan saaxiibadayda u sheegay inay iisoo helaan xaas afaraad oo aan guursado,” ayuu u sheegay BBC.

Wuxuu hoosta ka xariiqay inuu doonayo ilma kale inay u dhashaan. Sannadkii 2016-ka ayuu qabsaday warbaahinta caalamka markii uu u dhalanayay ilmihii 35aad. Wuxuu markaas sheegay inuu doonayo 100 awlaad ah inuu Eebbe ku irsaaqo oo hablo iyo inamo isugu jira. Hadafkiisii ahaa inuu xaas afaraad helana, wuxuu u muuqdaa mid uu ku guuleysanayo dhawaan.

Noloshiisa wuxuu ka maareeyaa xarun yar oo bukaansocod eegto ah oo uu xaafadda ku leeyahay. Wuxuu qiray inay soo wajahday culeysyo dhinaca dhaqaalka iyo biilka reeraha ah, sidaas oo ay tahay wuxuu doonayaa inuu sii dhalo inta uu awooddeeda leeyahay.

Wuxuu tiigsanayaa Mzee Musa Hasahya oo u dhashay Ghana kaas oo Eebbe ku irsaaqay 102 carruur ah iyo 568 awlaad oo ay ilmihiisu sii dhaleen. Maadaama uu Sardar yahay nin weli da’yar, waxay u badan tahay inuu gaari karo Mzee Musa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!