HomeDunida MuslimkaBulsho Imamkooda u dhisaya Guri uu ku noolaado!

Bulsho Imamkooda u dhisaya Guri uu ku noolaado!

MUQDISHO (HN) — Aad bay ugu adag tahay inuu maalin walba saddex saac usoo socdo masjidka si uu jamaacada u tujiyo. Tani waa sheekada maalinlaha ah ee Imam Habib Sarfraz.

“Mas’uuliyado badan ayaan ka hayaa halkan oo ay ugu weyn yihiin hoggaaminta shanta salaadood maalin walba,” ayuu u sheegay warbaahinta isaga oo jooga Masjidka Khadeeja.

“Aad baana runtii uga fogahay agtiisa,” ayuu sii raaciyay.

Si haddaba loo caawiyo imaamka, bulshada Muslimiinta Utah ayaa isu-taagay qorshe ay guri ugu dhisayaan xilli sicirkoodu uu cirka isku shareeray.

Aden Batar, oo kamid ah hoggaanka bulshada Muslimka ayaa sheegay in qiimaha kirada uu gaaray 2,000$ qof kastana aanu awoodi karin inuu iska bixiyo.

Sidaas oo ay tahay ayay go’aansadeen inay karaankooda ku guuleystaan guri ay u dhisaan imaamkooda. Mashruuca dhismaha guriga ayaa ku kacaya adduun dhan $400,000. Waxaana ilaa hadda ay iska soo ururiyeen 100,000$.

Aad bay tallaabadani qalbigiisa u taabatay imamka.

Tirada badnaanshaha masaajidda Utah waxay caddeyn u tahay kororka iyo kobaca muuqda ee tirada bulshada Muslimiinta ah oo kontonkii sannadood ee lasoo dhaafay aad u batay.

Sannadkii 1980-kii waxaa ku noolaa kaliya 120 qof. Maanta waxaa ku nool 100,000 oo Muslimiin ah.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments