HomeLa-yaabkaiPhone webi ku dhacay 10 bil kahor oo la helay isaga oo...

iPhone webi ku dhacay 10 bil kahor oo la helay isaga oo shaqeynaya!

MUQDISHO (HN) — 10 bilood kahor ayaa iPhone-kii uu sitay kaga dhacay webi ku yaalla dalka England waxaase yaab ku noqotay inuu usoo celiyay isaga oo weliba shaqaynaya qof kale oo soo helay. Bilowgii bishan,  Miguel Pacheco wuxuu qoyskiisa kula mushaaxayay webiga Wye ee Cinderford, Gloucestershire, markii uu indhaha ku dhiftay wax buluug u eg oo biyaha ku dhex jira. Wuxuuna noqday iPhone dahaaran oo biyo badan cabay, laakiin hal uu webiga dib isaga xoori lahaa, wuxuu go’aansaday bal inuu tijaabiyo hadduu wali shaqeynayo iyo in kale. Fursadaha uu dib u shaqeyn karana way yaraayeen maadaama muddo bilooyin ah uu dhex yiil gunta webiga. Laakiin markii uu ku buufiyay hawo-afuufe oo uu qalajiyay, Pacheco waxaa la yaab ku noqotay in telefoon soo muujiyay astaamaha dabyarida si loo jaaj-gareeyo. Qofkii lahaa ayaa si kastaba dib loogu celiyay ugu dambeyntii.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments