crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> January | 2018 | HimiloNetwork | Page 4

Monthly Archives: January 2018

Gabar ku fashilantay inay hanato saaxiibkeed xilli ay 30 jeer qalin ugu gashay qancintiisa.

Muqdisho – Gabar  ku nool Hong Kong  ayaa la kulantay moora-dilaac markii saaxiibkeed uu ku daadiyay maadaama uusan la dhicin muuqaalkeeda xilli ay gashay dhowr qaliin. 22-jirta lagu magacaabo Berry Ng, taas oo raadato fiican ku leh barta Youtube, waxay sheegtay inay 30 jeer qaliin gashay si ay u qanciso saaxiibkeed. Berry waxay xustay inay isku dayday inay u ekaato sida ...

Read More »

Nin isaga oo cabsan cagaf-cagaf usoo kaxaystay maqaayad.

Muqdisho – Saraakiil boolis ayaa aad ula yaabay markii ay cagaf ku arkeen maqaayad horteeda, marka loo eego booliska UK. Booliska Cumbria Roads ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay sawir cagaftan sheegeyna inay xireen ninkii lahaa. Ninka wuxuu soo dhigtay cagaftan maqaayadda horteeda isaga oo cabsan waana xirnay, ayaa lagu yiri war qoraalkooda. Boolisku masheegin heybta ninkan. Balse Luke Coburn oo in yar ...

Read More »

Nin laf-dhabarta ka jabay markii uu kasoo dhacay saqaf dushiis isaga oo……

Muqdisho – 40- jir lagu magacaabo Jeff “Swede” Swedenhjelm oo Bali, dalka Induniisiya kaga yimid Florida, dalka Maraykanka sanadkii hore ayaa la halgamaya noloshiisa kadib markii uu kasoo dhacay saqaf dushiis isaga oo isku dayaya inuu koofidiisa isboortiga soo dhigto. Gabadhiisa ayaa u sheegtay in daanyeer uu dafay koofida astaanta u ah kooxda kubadda laliska oo uu taageero. Wuxuu bilaabay inuu ...

Read More »

Nin daroogiiste ah oo soo koray gaariga booliska isaga moodaya taksi.

Muqdisho – Qandaraasle daroogo kaas oo u degdegsanaa aqalkiisa isaga oo sita kartoon daroogada Marijuanada la yiraahdo ayaa si kedis ah ugu dhacay gaariga booliska, marka loo eego booliska Denmark. Booliska Copenhagen ayaa sheegay inay jeelka dhigeen qandaraaslahan oo aan la heyb-sheegin kadib markii lagu soo oogay inuu ku lug lahaa iibinta daroogada. Ninkani wuxuu wajahayaa falka danbiyeedka la xiriira ganacsi ...

Read More »

Haweeney danbi la yaab leh lagu oogay markii ay jabsatay e-mailka seygeeda.

Muqdisho – Haweeney jabsatay koontada e-mailka seygeeda maadaama ay uga shakisay inuu naago kale xiriir hoose la leeyahay ayaa lagu soo oogay danbi, marka loo eego booliska Switzerland. Haweeneydan ku nool Aargua, oo aan la heyb-sheegin, ayaa lagu qaaday danbi ah inay amar la’aan guda-gashay koontada markii seygu uu dacwad ka-dhan-ah u gudbiyay booliska. Waxaa lagu oogay danbigeeda, waxaana lagu ...

Read More »

Nin afadiisa dilay markii uu u dulqaadan waayay jirada heysa!

Muqdisho – Nin ayaa loo taxaabay jeelka dil uu geystay awgiis, tiiyoo uu sheegtay inuu dilka u geystay si uu u dhameeyo silica heysta. Booliska Sayama ee dalka Japan ayaa xabsiga dhigay 62-jir lagu magacaabo Teruo Yamashita kaas oo dilay afadiisa 61-jirka aheyd taas oo la xanuunsaneyd cudurka Kansarka. Marka loo eego booliska, Yamashita ayaa qirtay inuu tooreeyey afadiisa Makiko xilli ...

Read More »

Xafladdii Qalin-jebinta sanadlaha ee Jaamacadda Muqdisho oo maanta lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho – Xafladda sanadlaha ah ee qalin-jebinta Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiinta kala duwan ee Jaamacadda, xubno sare oo ka socday dowladda dhexe, arday, barayaal, waalidiin iyo marti sharaf ayaa ku sugnaa xafladda. Waxaa loo dabaal-degayay dufcadii 17aad ee Jaamacadda ka qalin-jebisa oo isugu jira 703 arday oo 18-ka qeybood ee Jaamacadda ka kala baxay. Waxaa ...

Read More »

Waalidiin la yaabay in carruurtooda ay nool yihiin markii dhaqaatiirtu u sheegeen inay ku meydeen caloosha.

Muqdisho – Waalidiinta dhallaan loo sheegay inuu dhintay wax yar kadib dhalashadiisa ayaa la yaabay inay arkaan isaga oo mar kale nuuxnuuxsanaya goor loo qaaday inay la aaso, marka loo eego booliska Hindiya. Booliska Hindiya ayaa bilaabay baaritaan markii labada dhaqtar ay si qalad ah cunug wali nool ugu sheegeen inuu dhintay. Marka loo eego baaritaanka booliska, Varsha  oo shan bilood ...

Read More »

Ey dayac awgiis u ekaaday sida Madax-kutiga oo laga helay keyn baraf.

Muqdisho – Kooxaha xanaanada xayawaanada ayaa ku daba-jooga kuwa ey ay rabaayadaysan jireen nolosha ku silciyay markii ay dayaceen. Tani waxay kusoo aaday markii qof uu kasoo helay keynta barafka leh ee dhul-weynaha Ruushka. Muuqaalka eyga wuxuu u ekaaday Madax-kutiga. Noolahan waxaa laga helay isaga oo ku nool waddooyinka Chelyabinsk, dalka Ruushka. Shaqaalaha xarunta daryeelka xayawaanada ayaa sheegay in eygu bilaabay ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!