Hal-ku-dhigga sanadkan ee mareegta Himilonews.com wuxuu noqonayaa; “Halka uu Baruhu bulshada kaga jiro ayuu baraaraheedu ku xiran yahay ee aynu kor-yeelno qiimaha Barayaasheenna.”
Sidoo kale waxaa iyadna xusid mudan in–in-kasta oo aan abaalkiisa la gudi karin–aad hadana xusuustiisa ku reebi karto inaad u sama-fasho. Sama-falka ugu habboon oo aad u niyoon karto barahaaga waa adiga oo geed u beera–si uu ugu noqdo sadaqul-Jaariyah.
Maamulka iyo shaqaalaha, Himilonews.com, waxay isla howshaas geed beerista ah ka bilaabaysaa guri kasta oo shaqaalaha mareegta kamid ah si–dhinaceeda ay uga weyneyso qiimaha Baraha Soomaaliyeed.