crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shirkad shaqaaleysiinaysa da’da ka weyn 55 jir! | HimiloNetwork

Shirkad shaqaaleysiinaysa da’da ka weyn 55 jir!

Muqdisho (Himilonews) – EverYoung oo ah shirkad tiknoolojiyeed xarunteedu tahay caasimadda Seol, Koofur Kuuriya ayaa leh hannaan gaar ah oo adag kaas oo ay u marto qaadashada shaqaale cusub – musharraxu waa inuu ugu yaraan jiraa 55 sano. Waxay sidaas kusoo dhaqmaysay taniyo markii la helay sanadkii 2013, hadda waxa u howl-gala 420 howl-wadeenno u dhaxeeya 55-jir ilaa 83-jir.
Dhaqanka Kuuriya ayaa aad ugu ad-adag ku sanduleynta shaqaalaha inay howl-gabaan kahor inta aysan gaarin da’da rasmiga ah ee aayamaalka, hayeeshe helaha EverYoung, Chung Eunsung, ayaa quuddaraynaya inuu tani badalo – isaga oo caddayn kara in da’da culus ay sida shaqaalaha kale muhiim ugu noqon karaan horumarka shirkadeed. Sanadkii 2013, wuxuu bud-dhigay xeer ah inay howl-gelinayso da’da 55-jir kor u dhaafta.
“Kuuriya way cimrinaysaa, saameyntooduna way kulaalaysaa, sidaas darteed waxaan rumeysannahay in ka qeyb-galkoodu uu muhiim u yahay dhaqaalaha,” Chung ayaa u sheegay Channel News Asia. “Waxaan rumeysanahay shaqaaleysiintooda ay jawaab u noqonayso sare u qaadista heerka nololeed.”
EverYoung ayaa ah shirkad inta ku shaqeysa aaladaha casriga ah ee tiknoolojiyadda. Waxayna u baahataa inay shaqaalaha siiso xirfado dheeri ah oo u sahla inay la fal-galaan hannaanka shaqada.
Dadka badankood ayaa rumeysan in da’da culus ay itaal iyo tayo yar yihiin marka lagu beego tiknoolojiyadda, hayeeshe Chung ayaa sheegaya in shaqaalihiisu ay leeyihiin karti iyo daaqad xooggan oo ay ku fuliyaan waajibkooda. Waxaa kale oo uu sheegay inay muujiyeen heer dhiifooni leh oo ay wax ku faahfaafin karaan, mana u laabkacaan sida xoogga da’yarta.
“Waxaan isku dayay inan la qabsado waqtiyada, waxaan u buseelayaa barashada xirfado cusub,” 83-jir kamid ah shaqaalaha shirkadda ayaa yiri. “Waxaan kol hore ku raaxaystay xirfado dhowr ah oo tiknoolojiyadda la xiriira, waana u riyaaqayaa kasii shaqeynta halkan aroor kasta.”
“Markii labadayda gabdhood ay koreen, waxaan dareemay inaan wax badan sii qaban. Waxaan kaliya u baahday inaan naftayda wax u qabsado oo aan horumariyo,” 59-jir lagu magacaabo An Kyeong-hwa, oo loo tababaray xisaabaadka shirkadda ayaa intaas kusii daray.
Shaqaalaha EverYoung waxay shaqeeyaan afar saacadood oo ay halkii saacba ay ku helayaan 10-daqiiqo oo nasiino ah. Waxay muddadaas ku bixiyaan cabid, jimicsi, aqrinta buugaagta iyo xittaa inay iska cabiraan cadaadiska dhiigga iyaga oo isticmaalaya mashiin shirkaddu ugu tala-gashay.
Mr Chung Eunsung wuxuu sheegay in helidda shirkadda EverYoung ay ahayd kahor tegista takoorka da’da taas oo loo tix-geliyo arrin aad xasaasi u ah had iyo jeer.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakaria Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!