NEW DELHI (HN) — Hooyo Hindi ah ayaa amakaaggii ugu darnaa nolosheeda kala kulantay wiilkeeda kaddib markii ay suuqa uga dirsatay adeeg – in yarna dabadeedna uu la yimid gabar uu sheeganayo inay tahay xaaskiisa.
Waxaana hooyadan ku adkaaday inay midowga labadooda si fudud ku aqbasho.
“Diyaar uma ihi inaan aqbalo guurkooda,” ayay u sheegtay Hindustan Times.
Lammaanaha ayaa ku agal-galay qaab dahsoon. Waxaana caruusaddu ay ku nooleyd qol uu ka dejiyay mid kamid ah hotellada Delhi. Laakiin, iyada oo qorshuhu ahaa in la ogeysiiyo waalidka, waxaa durba soo galay bandowgii dalka oo dhan lagu soo rogay si looga hortago faafista xanuunka Corona Virus.
“Maanta ayaa go’aansaday inaan reerkayga keeno xaaskayga, maadaama hotellada lagu war-geliyay inaysan sii furnaan doonin,” ayuu yiri Guddu oo 26 jir ah. “Ma heli karin shahaadada arooska maadaama aan waayay goobjoogayaal marqaati ka noqda midowga labadeenna.”
Kolk haddii ay hooyadu ku gacan-seyrtay inay aqbasho guurkooda, booliska ayaa haddaba siiyay magan iyo meel ay kusii hoydaan inta lagu jiro bandowga ama hooyadani ay go’aankeeda ka laabanayso.

You must log in to post a comment.