crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin si yaab leh isugu dhiibay booliska kadib markii……… | HimiloNetwork

Nin si yaab leh isugu dhiibay booliska kadib markii………

UK (Himilonews) – Danbiile ayay ku adkaatay helidda doorasho ka baxsan inuu isku dhiibo booliska waayo wuxuu doonayay in saraakiisha boolisku ay sawirkiisa foosha xun oo ay ku doonayeen ka saaraan baraha bulshada, marka loo eego booliska UK.
Booliska South Wales ayaa sheegay in Wayne Esmonde uu ku lug lahaa danbiyo iyo rabshado.
Wuxuu ka baxsaday goobta kahor intaysan booliska soo gaarin. Dhawaantan ayay bartooda facebook kusoo daabaceen sawirkiisa iyo inuu baxsad ka yahay xaggooda – shacabkuna ay kusoo war-geliyaan war iyo wacaal wixii ay ka helaan.
Esmonde ayaa facebook kusoo qoray: “Haa waa aniga sawirkan sida foosha xun loo qaaday. Waxaan la hadlay la-taliye, wuxuuna igala talin doona waxa ila gudboon inaan sameeyo. Mahadsanidiin.”
Wuxuu intaas kusii daray: “Waan qiimayn lahaa haddii aad sawirka ka saartaan bartiina facebook.”
Taniyo markii sawirkiisu ku haray baraha bulshada, Esmonde ayaan helin doorasho aan ka ahayn inuu booliska isku dhiibo. Kolkii uu soo galay diiwaanka kuwii la baadi-goobayay, sawirkiisa ayay ka saareen bartooda facebook.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!