MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hungary ayaa muddo kooban ku noqday maalqabeen kaddib markii shirkadda uu ka shaqeeyo ay 367 jeer ama goor ay u dirtay mushaharka uu bishii ka qaato. Markii la warsaday inuu iska soo celiyo lacagtana, wuu diiday gebi ahaanba.
Ninkan oo aan magaciisa la sheegin wuxuu muddo kooban u shaqeeyay shirkad ku taal Kaposvár balse shaqadiisa ayaa hakad gashay kaddib markii xabsi la dhigay. Muddadaas kooban wuxuu shaqeystay lacag gaaraysa 92,549 forints oo u dhiganta 238 euros ($260) balse si aan lagu tala-gelin ayaa waxaa mushaharkiisa 367 jeer ugu dhiftay maamulihii shirkadda. Markii si kastaba la weydiistay ninkan inuu iska soo celiyo xisaabta dheeriga ku ahna, wuu ku gacanseyray.
HimiloNetwork Han & Horseed
You must log in to post a comment.