crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin booliska ku amray inay 1,000 jeer share dhahaan sawirkiisa si uu isugu dhiibo. | HimiloNetwork

Nin booliska ku amray inay 1,000 jeer share dhahaan sawirkiisa si uu isugu dhiibo.

Muqdisho (Himilonetwork) – Nin reer  Michigan ah ayaa isku dayay inuu booliska ku cadaadiyo fulinta dalab uu doonayo si ay iyaguna ugu fududaato qabashadiisa isaga iyo kuwa lamidka ah haddii ay 1,000 jeer share dhahaan sawirkiisa.
Baaqan aan caadiga ahayn wuxuu ku fulay layaab isaga oo ku baahay baraha bulshada, ninkanina wuxuu fuliyay balankiisa ahaa inuu booliska isku soo dhiibo.
21-jirka lagu magacaabo Michael Zydel oo loo heysto danbiyo bulsho oo uu ka galay dadka uu la dhaqmo kaas oo bartiisa facebook kusoo gala magaca Champagne Torino ayaa sheegay inuusan ka walwalsanayn booliska oo uu isku soo dhiibayo haddii ay sawirkiisa share dhahaan 1,000 jeer.
“Kama cabsanayo booliska,” Zydel ayaa kusoo qoray bartiisa facebook. “Haddii aad 1,000 jeer share dhahdaan sawirkayga aniga iyo kuwa ila midka ahba waxaan idin balan-qaadayaa inaan gacantiisa kusoo dhici doonno.”
Booliska oo dhayalsanaya baaqa ninkan ayaa 4,o00 jeer share dhahay sawirkiisa, Michael Zydelna wuxuu isku soo dhiibay booliska si uu u oofiyo balanka.
Tiiyoo uu ka dhabeeyay balantiisa, wali waxaa qasab ku ah inuu maro ciqaabta fal-danbiyeedka loo heyso. Waxaana uu 29 cisho ku qaadanaya xabsiga.

Michael-Zaydel2

Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!