crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nigeria – Fantasiyaha Kalluumaysi ee Arugungu | HimiloNetwork

Nigeria – Fantasiyaha Kalluumaysi ee Arugungu

Lagos, Nigeria (Himilonews) – Arugungu waa dhacdo dhaqameed Nigerian ah oo kumaankun kalluumaysato ah ka qeyb-galaan. Arugungu waxay ka dhacdaa Kebbi oo waqooyi galbeed kaga taalla dalka halkaas oo tiro kalluumaysato ah ay ku kulmaan iyaga oo maanka ku haya hal arrin – qabashada kalluunka ugu weyn.
Mar kaliya markay maqlaan dhawaqa rasaasta loo yeeriyo ayay wada galaan biyaha Matan Fada iyaga oo sidata shabaqyadooda. Matan Fada laga yaabee inaysan noqon meel qurux badan, hayeeshe waxaa dhex ceegaaga Kalluun badan. Waayo dadku halkan waxay yimaadaan sanadkiiba mar si ay u kalluumaystaan.
Marka waqtigii loo madlay uu dhamaado, kooxda soo qabsata kalluunka ugu weyn waxaa loo galbiyaa qasriga sultaanka si uu u guddoonsiiyo abaal-marintooda. Guuleystayaashu waxay helaan gaari bas ah oo cusub iyo hal milyan oo lacagta Naira – una dhiganta $7500.
Nigeria waxay naawilaysaa in fantasiyaha kalluumaysi ee Arugungu uu dhawaan noqon doono mid kamid ah ilaha loo dalxiiska tago mustaqbalka.
nigeria1 nigeria2
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!