Markaas iyo meeshaas, waxay ku go’aansatay inay ka tala-baxdo balantii ay la gashay gacaliyaheeda. Waxay is tustay inaanu in badan sidaan kusii jeclaan doonin hadduu arko. Waxayna iska-dhaadhicisay inay is-ilowsiiso oo aysan dib danbe u arkin.
Halkii sano gudihiisa, Daljirkii wuxuu usoo qori jiray dhanbaallo badan isaga oo mar mar xittaa soo wici jiray. Hayeeshe, war-celin xaggeeda marna kamaanu helin.
Hayeeshe, sanad kadib, hooyadeed ayaa usoo gashay qolkeeda iyada oo ogeysiinaysa inuu saaxiibkeed kasoo laabtay jiidda hore. Gabadhii ayaa ku tawaawacday “Maya! Fadlan ha u sheegin arinteyda. Hana u sheegin inaan halkan ku sugahanay.”
Hooyadii ayaa ku tiri “Wuxuu rabaa inuu guursado.” Waxayna gacanta ka saartay warqaddii casuumaadda.
Qalbigii inanta ayaa halhaleel u quusay. Way ogaatay inay wali jeceshahay. Balse ay hadda qasab tahay inay iska ilowdo.