crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Halyeyga keligiis isu-taagay dagaalka ka-dhanka ah nabaadguurka. | HimiloNetwork

La kulan – Halyeyga keligiis isu-taagay dagaalka ka-dhanka ah nabaadguurka.

MUQDISHO (HN) — 82 jir u dhashay dalka Mangolia wuxuu gu’yaalihii ina dhaafay u taagnaa inuu gebi cidlo lama degaan ah u beddelo geyi cagaaran. Wuxuuna tusaale nool u noqday in qof kaliya uu awoodi karo inuu la dagaalamo nabaadguurka iyo xaalufka ba’an ee ku dhaca dhulka.

Baraaduuz Demchig wuxuu goob aan dhirtu ka helin sannado badan uu ku guuleystay inuu ku beero geedo nooleeya araga iyo ruuxda. Tallaabooyin yaryar oo uu si aayar aayar ah usoo bilaabay sannadkii 1990 ayuu maanta kaga lib keenay inuu dhireeyo deegaan dhan oo awalkii hore lama degaan ahaa.

Mangolia waxaa ku badan dhulka saxaraha ah. In yar sida Demching ayaa awooday inay isu-taagaan kahortagga nabaadguurka baahsan ee ka jira Mangolia. Maanta kaalintiisu kaliya ma noqon mid rejo iyo yididiilo ka dhex abuurta dalkiisa, wuxuu sidoo kale ku guuleystay inuu abuuro deegaan quruxsanaan lala cajabay oo deegaankiisu kusoo jiitay indhaha duunyada iyo dadka.

Demching wuxuu sheegay in bilowgu ahaa mid adag, balse uu aaminay howlgalkiisa muhiimadda ballaaran oo uu dal iyo dadba ugu fadhiyo. Saaka wuxuu kor taagan yahay in ku dhow nus milyan geedo ah oo keligiis abuuray.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!