MUQDISHO (HN) — Anand Dhawaj Negi, oo ahaa xisaabiye iyo qasnadhaye katirsan waaxda adeegga bulshada Hindiya ayaa ku guuleystay inuu bacad lama degaan ah ka dhigo keyn cagaaran.
Halgankiisa oo 20-jirsaday wuxuu soo muujiyay saameyn togan iyo horukac loo aayay oo laga dareemay waqooyiga bacadka dhaca ee Himachal Pradesh ee dalka Hindiya.
Sannadkii 1997 markii dowladda Hindiya ay bilowday Mashruuca Qaran ee kahortagga Nabaadguurka iyo Lama-degaanka. A. D. Negi oo markaas katirsanaa shaqaalaha dowladda ayaa is weydiin jiray sababta malaayiin doollar loogu bixiyo mashaariicda dhireynta iyo bacaadceliska oo wax muuqda oo la taaban karana aysan uga soo naasa-caddaaneyn. Markii uu su’aalo qolyaha ku shaqada leh mashruucana wuxuu kala kulmi jiray cudurdaar iyo marmarsiiyooyin aad dhammaad lahayn. Waana markii uu iskiis u go’aansaday inuu soo hubiyo sax ahaanshaha waxa ka jira sheegadooda.
Tallaabtaas uu xagga bacadka usoo qaaday waxay ka dhignaatay inuu muddo 20 sano ah ku howshoodo dhireynta iyo bacadcelinta lama-degaanka Himachal Pradesh. Wuxuu si joogto ah uga shaqa-fariistay howshii qaran oo uu dowladda u hayay isaga oo usoo dhammaaday dunida bacadka. Maanta waxaa la qiyaasaa in dadaalkiisa awgeed ay goobtani yeelato muqaalki degaanka lagu yiqiin waxaana kusoo laabtay isku socodka iyo nolosha noolaha kala duwan sida haadda duusha iyo duurjoogta qaar.
Joogitaankiisa halkan, wuxuu ku guuleystay inuu beero miro-magaaleed badan iyo qudaarta nuucyadeeda qaar. Waxaa kale oo uu baahiyay beeridda geedaha cimilada qaboojiya iyo kuwa aan biyaha badan uga baahneyn dhulka bacadka ah.
Negi oo lagu naaneysay Bogsiiyihii Keynta wuxuu geeriyooday dhawaan xilli uu awooday in ku dhawaad 90 hectar uu ka yeelo dhul abid cagaaran ah.
You must log in to post a comment.