HomeLa-yaabkaHaweeney sida Canbaha u leefta Saabuunta!

Haweeney sida Canbaha u leefta Saabuunta!

MUQDISHO (HN) — Waxaa jirta haweeney Induniisiyaan ah oo sida canbaha u leefta saabuunta lagu qubeysto nuucyadeeda kala duwan.

Khosif Assyifa oo 21-jir ah waxay caan ka noqotay barta Instagram-ka. Waxay muddo badan barteeda soo gelisaa muuqaalo muujinaya iyada oo leefaysa saabuun kaddibna sheegeysa sida ay ula dhadhamayso marka ay leefsato. Waxayna u muuqataa mid ku raaxaysanaysa muudsiga saabuunta. Waxayna ku heshaa likes iyo comments badan.

Waxaana sidoo kale jira dalab ah inay soo tijaabiso saabuun kale oo ay daawadayaasheeda ku xiran instagramka ay soo weydiistaan.

Laba sano kahor markii ay noqotay xaamilo ayay bilowday cunista saabuunta. Laakiin wax saameyn ah kuma yeelan cunuga caloosheeda jiifay.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments