crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar 30-jeer qaliin u gashay si ay u qanciso Gacaliyaheeda saluugan quruxdeeda! | HimiloNetwork

Gabar 30-jeer qaliin u gashay si ay u qanciso Gacaliyaheeda saluugan quruxdeeda!

Muqdisho – Gabar 22 jir ah oo ku nool Hong Kong ayaa martay 30 qaliin oo qurxin ah si ay u qanciso gacaliyaheeda. Berry Ng waxay qaliinka isku bilowday iyada oo 17 jir, waxayna doonaysay inay u ekaato  haweenka caanka ah ee modelka sameeya. Hadda way ka qoomameynaysaa go’aankeedaas.
Si gaar ah arrintu waxay ugu xumaatay markii ay gashay da’da 20 jir oo xiriir jaceylna ay la wadaagtay nin 9 sano ka da’ weyn.
Saaxiibkeeda wuxuu aad iyo aad uga deyrin jiray muuqaalkeeda, isaga oo la barbar-dhigaya haweenka kale. Berry waxay bilowday inay muddo kooban ku marto dhowr qaliin.
“Haddii aad mar kaliya noloshaada i oran lahayd waad qurux badan tahay, waan joojin lahaa,” ayay u sheegay China News.
Berry hadda way cadaatay, waxayna barta You Tube-ka ku faaqidaysaa halista ku jirta qaliimada quruxda loo galo. Haween badan oo xaaladeeda oo kale kula sugan ayaa u sheegay in lamaanayaashooda ay ku cadaadiyaan inay isku qurxiyaan qaliin.
Dhab ahaantii wiilashu waxay saameyn weyn ku leeyahay nolosha gabdhaha,” ayay tiri. “Waxaana doonaya inaan dadka la wadaago waay’aragnimada qaraar oo aan ka helay qaliimada quruxda.”
Hadda iyo kadib, wax badan siima doonayso inay mar kale gasho qaliin is qurxin la xiriira.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!