crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Darbi-jiifka Dulman! | HimiloNetwork

Darbi-jiifka Dulman!

MUQDISHO (HN) — Darbi-jiifnimadu waa xaalad aanu qofna aamin ka ahayn sida da’yarkan oo 11 jir ah ula soo dersi karta waqti walba.

Xattaa Samuel maanu fileyn inuu marnaba noqon doono dibjir ku hoyda buundo hoosteeda ama dharkii uu xirnaa maalintii uu bilaabay la-qabsiga wax ay ka dhigan tahay darbi-jiifnimada uu ku taagnaan doono.

Isaga ahaanna, dhulka ayaa u sariir ah – cunnana waxaa u ah reebreebka lagu soo daadiyo meelaha qashinqubka ah. Mararka qaar boggiisa oo gaajo awgeed isku dhagan ayuu la jiiftaa qabowga.

Wax walba oo uu ahaa iyo riyadii uu nolosha ka lahaa waxaa albaabada iskugu dhiftay xaaladda adag oo uu ku jiro. Hadda waa maalinka xiga wixii uu cuni lahaa midda ugu weyn oo uu ku warwaro. Haddii uu waayana maxado mana dawarsado.

Samuel sheekadiisu laga yaabee inay hadda meel sahlan iyo ka qabasho joogto. Waayo sida kuwa ugu dambeyntii la qabsada nolosha darbi-jiifnimada waxaa ugu dersama nuugidda aalkolada iyo cabidda sigaarka.

Wejigiisa ayayna ku qoran tahay inuu dhawaangal ku yahay dibjirnimada.

Markii ay kala tageen labadiisa waalid – kuwii la dhashayna ay ku kala lumeen magaalo weyn, ayuu ku qasbanaaday inuu hoy ugu yeero buundada hoosteeda.

Sidaas darteed, maalin walba wuxuu lasoo toosaa waa kale oo adag iyo halgan uusan garan Karin halka uu ka bilaabo.

Laakiin tani ma ahan gabagabada nolosha. Waa dan iyo seeto. Waana duruuf jirta oo mar un laga bixi karo. Ka Sameul ahaanna, waxaa ka go’an inuusan marnaba lumin rejada macaan ee nolosha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!