MUQDISHO (HN) — Masaajidda Britain iyo Barnaamijka Projects Against Plastic PAP ayaa iska kaashanaya sidii loo ururin lahaa caagadaha iyo gajaclayaasha biyaha lagu cabo inta lagu guda-jiro bisha barakaysan ee Ramadan.
Dhammaanba deegaamada ay ku badan yihiin Muslimiinta – oo leh masaajid lagu dukado – waxaa agaasinka ol’olayaasha ay isku dayi doonaan inay isu-taagaan howshan deegaan la-jaalka ah.
“Ilaalinta deegaanku Islaamku wuxuu siiyay ahmiyad sarreysa wadajirna waan uga hortagi karnaa wasaqowga ku socda arlada guudkeeda,” ayuu helaha PAP, Naseem Talukdar u sheegay Asian Image.
Gudaha UK waxaa ku yaalla 500 oo masaajid: mid walbana wuxuu isticmaali karaa 3,000 oo qajaclayaal ah iyo 2,000 saxamada macmalka ah inta lagu jiro bisha Ramadaan. Tallaabadan ayaana la rumeysan yahay inay horseedi karto ol’olaha caalamiga ee lagu badbaadinayo arlada iyo noolaha ku nool.
Mashruuca Green Ramdan ma ahan UK dalka kaliya oo uu ka jiro. Dunida Muslimka qaar kamid ah ayuu ka jiraa waxaana jira samafalayaal isku taagaya inay deegaanka ka ilaaliyaan hadimada iyo daranyada.
You must log in to post a comment.