HomeDunida MuslimkaImam Deriska Masjidkiisa bara Diinta Islaamka.

Imam Deriska Masjidkiisa bara Diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Kaddib xasuuqii Christchurch, Imam kamid ah Muslimiinta New Zealand, ayaa dadka aan Muslimiinta ahayn siinaya fahamka ballaaran oo la xiriira diinta Islaamka.

Dr. Reza-Abdul Jabbar ayaa yiri: “Waa waajib ay nagu leeyihiin inaan u sheegno micnaha xeesha dheer iyo fahamka saxda ah ee diinteennu u taagan tahay.”

Jabbar wuxuu sheegay in taniyo markii uu xasuuqu dhacay ay dadka NZ ka heleen dareen walaalnimo oo ay iyaguna doonayaan inay abuuraan jawi ku dhisan is faham iyo is aqoonsasho.

Mowduucyada ay ka hadlaan waxaa kamid ah saxaafadda iyo Islaamka iyo xiriirka kala dhaxeeya argagaxisada iyo nabadda; ilbaxnimada iyo nolosha.

“Waxaan dhab ahaan u rumeysanahay in marka aad si dhab ah is dhexgal u sameyso aad kaalin ku leedahay wada-noolaanshaha iyo is-dhxgalka bulshada.”

Islaamka ayaa taniyo 1960-kii wuxuu kamid ah bulshada New Zealand.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments