Muqdisho (Himilonetwork) – Afrika waa Qaaradda Labaad ee ugu weyn adduunka kaddib Aasiya. Waxayna ka kooban tahay dhowr iyo 50 dal kuwaas oo isugu jira kuwa dhawaan la yagleelay iyo kuwo tan iyo isticmaarkii soo jiray.
Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 10-ka dal ee Africa ugu dhulka weyn annaga oo ka bilaabi doona midka 10aad.
10: Muritania – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Muritaaniya waxa ay dhacdaa waqooyi-galbeed Africa, Magaalo madaxdeeda waxaa la yiraahdaa Nouakchott (Nuwaag-shoot), badkeedu waxa uu gaarayaa (1,3700 km2) shacabka Muritaaniya waxay gaarayaan 4.182Â million oo qof.
9: South Africa – Jamhuuriyadda Koofur Africa wuxuu dhacaa sida ka muuqata magaciisa koofurta qaaradda Africa, badkeedu wuxuu gaarayaa 1,221,000 KM2, waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 55.91Â million oo qof, caasimadda wadanka waxaa layiraahdaa Pretoria.
8: Mali – Jamhuuriyadda Mali waa wadan ku yaalla galbeedka Africa, waa dal xiran (malahan wax bad ah) badkiisu wuxuu gaarayaa 1,240,000 km2: caasimadda wadanka Mali waxaa lagu magacaabaa Bamako, dadka u dhashay Mali waxay gaarayaan 15 milyan oo ruux.