HomeDunida MuslimkaSucuudiga oo furaysa Xarunta ugu weyn Cunnooyinka Xalaasha.

Sucuudiga oo furaysa Xarunta ugu weyn Cunnooyinka Xalaasha.

Jeddah (Himilonetwork) – Waaxda Hubinta Daawada iyo Cunnooyinka Dalka Sucuudiga ee (SFDA) ayaa ku dhawaaqday qorshe u muuqda xaruntii ugu weyneyd ee soo saarta cunnooyinka iyo agabyada xalaasha ah.
“Qorshuhu waa in sare loo dhigaa wax-soo-saarka xalaasha ah ee KSA si loogu baahiyo dunida Muslimka ah loona dhiirri-geliyo horumarinta dhaqaalahooda,” ayaa u dhignaa nuxur kasoo baxay Waaxda.
Howl-fuliyaha guud ee ururka, Hisham bin Saad Al Jedaie ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay aragtida 2030 ee Sucuudigu hiigsanayo.
Wax-soo-saarrada isugu jira hilibka, digaaga, walxaha dumarku isku qurxiyaan iyo dawooyinka ayaa kamid noqonaya howlaha Xarunta.
Waxay sidoo kale qorsheynaysaa inay sameysato xiriir aad u gudo ballaaran oo lala yeelanayo dalalka Islaamka iyo kuwa caalamka.
Warbixin ku saabsan wax-soo-saarka xalaasha ah ayaa kaalinta koobaad galisay dalka Malaysia, waxaana kusoo xiga Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments