HomeDunida MuslimkaDembele oo Masaajidka ka dhisaya dalka Mauritania.

Dembele oo Masaajidka ka dhisaya dalka Mauritania.

Muqdisho (Himilonetwork) – Laacibka kooxda Barcelona oo dhawaan xulkiisa Fransiiska kula guuleystay ciyaaraha koobka adduunka, Ousmane Dembélé, ayaa qorsheynaya inuu masjid ka dhiso dalka ay asal ahaan hooyadiis kasoo jeedo ee Mauritania.
Marka loo eego ‘Koora’ website, Dembele ayaa qorsheynaya inuu masjid ka dhiso degmada uu kasoo jeedo ee koofurta Mauritania. Hooyadiis waa Senegalese Mauritanian ah; aabihiisna wuxuu kasoo jeedaa dalka Mali.
Xulka Faransiiska ayaa dhammaadka koobka adduunka 4-2 kaga adkaaday dalka Croatia. 21-jirkan ayaa hadda u dheela naadiga Barcelona.
Mauritania ayaa ah dalka uu ku dhashay laacibkan, waxaana 99% dadka ku nool ay yihiin Muslimiin.
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments