MUQDISHO (HN) – Gregory Kloehn, oo ah farshaxanle 43 jir ah oo u dhashay Maraykanka, wuxuu xirfaddiisa u adeegsadaa samafalka, isaga oo dhisa guryo yaryar oo loogu talagalay dadka Darbi-jiifta. Gregory, oo deggan magaalada Oakland, gobolka California, wuxuu mashruuciisa oo lagu magacaabo Homeless Homes Project ku dhisay ku dhowaad 10 guri oo yaryar oo uu dadka ugu qaybiyo si lacag la’aan ah.
Guryahan waxa ay le’eg yihiin kuraasta fadhiga (Sofa), waxaana laga sameeyaa agab duug ah oo laga soo ururiyo waddooyinka iyo goobaha qashinka lagu daadiyo. Waxa ay leeyihiin saqafyo roobka celiya iyo taayirro u sahlaya in meel kale loo raro. Waxa kale oo lagu qalabeeyaa daaqado, albaabbo iyo dahaarka kulaylka iyo qabowga celinaya kuwaas oo laga suubiyay agab dib loo isticmaali karo.
Gregory wuxuu mashruucan bilaabay markii uu xiiso u qaaday dhismaha guryaha isla markaana uu daraaseeyey sida dadka hoylaawayaasha ahi uga samaystaan cooshado agab yar oo ay helaan. Go’aankiisa waxaa sii xoojiyey markii lamaane hoylaawayaal ahi albaabkiisa yimaadeen iyaga oo ka codsanaya bac roobka celisa, balse halkii uu bacda ka siin lahaa wuxuu ku wareejiyey guri yar oo uu dhisayay oo lahaa haan biyo, jiko yar iyo meel qashinka lagu kaydiyo. Farxaddii lammaanahaas ayaa ku dhiirri-gelisay inuu guryo kale dhiso. Hadda hal guri waxa uu ku dhisaa shan xabbo oo looxyada rarista badeecadaha loo isticmaalo. Waana howl qaadata laba ilaa saddex maalmood.
Si kastaba, mashruucu waxa uu la kulmay caqabado. Guri uu siiyey lamaane ayaa dab la qabadsiiyey, mid kale waa la xaday, halka qof kale oo guriga helay uu ka iibiyey 80 dollar, markii dambena laga dhigtay meel eyga lagu hayo. Maamulka magaalada Oakland ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo haddii guryahaasi ay keenayaan caqabado la xiriira xeerarka dhulka iyo isticmaalka goobaha dadweynaha.
In kasta oo ay jiraan caqabadahaas, Gregory ma doonayo inuu joojiyo mashruuciisa. Dad badan oo hoylaawayaal ah ayaa si weyn ugu farxay guryaha uu u dhisay, waxaana kamid ah haweeney lagu magacaabo Wonder oo sheegtay in guriga cusub uu yahay kii ugu fiicnaa oo ay hesho shantii sano ee la soo dhaafay. Gurigeeda waxaa laga sameeyey miis duug ah oo bannaanka lagu isticmaalo, iyadoo bacaha pizza-da loo adeegsaday dahaarka.
Mashruuca Gregory wuxuu tusaale u yahay sida hal-abuurka iyo dib-u-isticmaalka agabku ay wax uga beddeli karaan nolosha dadka nugul.


