MUQDISHO (HN) – Guddoomiyaha xisbiga AIMIM ahna xildhibaanka magaalada Hyderabad, Asaduddin Owaisi, ayaa si adag uga horyimid Xeerka Wax-ka-beddelka Ka Hortagga Aflagaadeynta Sharafta Qaranka kaddib markii uu ansixiyay Baarlamaanka Hindiya.
Owaisi ayaa sheegay in ku qasbidda muwaadiniinta inay qaadaan heesta “Vande Mataram” ay kahor imanayso xuquuqda dastuuriga ah ee xorriyadda diinta. Wuxuu yiri: “Anigu waxaan ahay Muslim, mana dhursado cid aan Alle ahayn. Haddii aan cid kale caabudo, waxaan kahor imaanayaa diintayda.”
Owaisi wuxuu kala saaray heesta qaranka ee “Jana Gana Mana” iyo “Vande Mataram”, isaga oo sheegay in heesta qaranku ay muujinayso ixtiraamka dalka iyo shacabka, halka Vande Mataram ay ku jiraan erayo uu ku tilmaamay kuwo muujinaya cibaado loo jeedinayo ilaahad kamid ah Ilaahyada Hinduugu dhursadaan ama caabudaan.
Wuxuu yiri: “Labadoodu isku mid ma ahan, mana ahan in si isku mid ah loogu dhaqmo.”
Sidoo kale, Owaisi ayaa su’aal geliyay sida Vande Mataram loogu aqoonsaday heesta qaranka. Wuxuu ku dooday in madaxweynihii ugu horreeyay ee Hindiya, Rajendra Prasad, uu khalad sameeyay sannadkii 1950 markii uu sidaas u aqoonsaday.
Sida uu sheegay, Barlamaanka Hindiya weligiis ma meel marin qaraar rasmi ah oo Vande Mataram uga dhigaya heesta qaranka, sidoo kalena Dastuurka Hindiya si cad uguma qeexna ereyga Heesta Qaranka.
Isaga oo tixraacaya Qodobada 25, 26 iyo 29 ee Dastuurka Hindiya oo dammaanad qaadaya xorriyadda diinta iyo ilaalinta xuquuqda dhaqanka, Owaisi wuxuu ku adkaystay in aan muwaadin lagu khasbi karin inuu sameeyo wax kahor imanaya caqiidadiisa ama diintiisa.