MUQDISHO (HN) – Weli makugu dhacday adiga oo waqti kugu filan u heysta inaad la madadaasho saaxiibadaada – misana aad weydo saaxiib kula fariista oo aad shaah iyo sheekho wadaagtaan. Hawalwalin; arrintan hadda xalkeeda waxaad ka heli kartaa gudaha dalka Ruushka oo dadku ay lacag ku kiraysan karaan qof aanay hore u aqoon si uu ula qaato waqtiga nasiinada. Adeeggan ayaa qiimihiisu u dhexeeyaa $15 ilaa $65 maalintii wuxuuna si isasoo taraysa caan uga noqonayaa dalkaas.
Xayeysiisyada lagu daabacay baraha internet-ka ayaa muujinaya dad diyaar u ah inay macaamiisha la qaataan waqtigooda. Mid kamid ah dadka adeeggan bixiya oo lagu magacaabo Artem kana soo jeeda Moscow ayaa xayeysiiskiisa ku qoray: “Waxaan kaa caawinayaa diyaarinta cuntada iyo dhisidda teendhada nasiinada; waan kula joogayaa, hilibkana waan kuu dubayaa. Kaftan iyo sheekooyin xiiso lehna waa qayb kamid ah adeeggayga.”
Iyada oo ku xiran lacagta uu macmiilku bixinayo, qofka la kiraystay wuxuu qaban karaa hawlo kala duwan sida diyaarinta goobta lagu sheekeysanayo, dubista hilibka, taagista teendhada iyo la sheekaysiga macmiilka. Qaar kamid ah ayaa xattaa diyaar u ah inay helaan goob ku habboon wada-sheekeysiga isla markaana soo iibiya dhammaan agabka loo baahan yahay, iyada oo macmiilku bixinayo kharashaadka.
Qiimaha adeeggan wuxuu u dhexeeyaa 1,000 ilaa 5,000 ruble (qiyaastii $13 ilaa $65).
Wararka ayaa sheegaya in adeeggan si gaar ah loogu tala-galay ragga, waxaana si cad loogu sheegay macaamiisha inuu yahay adeeg lacag lagu bixiyo oo aan laga filayn inuu isu beddelo saaxiibtinimo joogto ah. Haddii qofku doonayo inuu waqti dheeraad ah la qaato qofkii uu kiraystay, waa inuu mar kale bixiyo lacagta adeegga.
Daraasad ay sameeyeen falan-qeeyayaal katirsan baraha internet-ka ee bixiya adeeggan ayaa muujisay in gobollada Moscow, Krasnodar Krai iyo Nizhny Novgorod ee Ruushka aad looga adeegsado barnaamijkan.
Evgeny Demchenko, oo ah milkiile maqaayad Ruush ah wuxuu sheegay in adeeggan uu yahay mid dabiici ah marka dhinaca ganacsiga laga eego. Wuxuu yiri: “Haddii ay jirto baahi aan la daboolin, adeeg ayaa soo baxaya. Dabcan, saaxiibtinimada dhabta ah lacag laguma iibsan karo. Laakiin dad badan adeeggan uma arkaan beddelka saaxiibbada; waxay u arkaan fursad ay ku qaataan waqti wanaagsan oo ay kula kulmaan dad cusub. Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in adeegyada noocan ahi ay sii badan doonaan, isla markaana adeegyo kale lagu soo kordhin doono.”
