MUQDISHO (HN) – Mohammad Danish oo ah darawal Muslim ah oo wada mooto bajaaj wuxuu ku eedeeyay askar katirsan booliiska taraafikada inay jir dil u geysteen isla markaana ay kula kaceen takoor ku saleysan diintiisa Islaamka.
Dhacdadan ayaa si weyn usoo shaac baxday markii Danish muuqaal uu isaga laftiisu iska duubay uu si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada waxaana xigay baaqyo lagu dalbanayo baaritaan madax-bannaan iyo in tallaabo sharci ah laga qaado askarta lagu eedeeyay.
Muuqaalka ayaa muujinaya Danish oo si toos ah ula doodaya askarta goobta joogtay. Wuxuu ku andacooday in lagu garaacay ulo loona adeegsaday hadallo aflagaaddo iyo naceyb diimeed xanbaarsan oo uu ku jiro ereyga gefka ah ee “katua” oo mararka qaar loo adeegsado in lagu caayo Muslimiinta.
Sida uu sheegay Danish, qaar kamid ah askarta ayaa la sheegay inay yiraahdeen: “Waa Muslim ee garaaca,” isla markaana ay su’aal geliyeen sababta ay ula macaamilayaan “dadkan.”
Danish waxaa kale oo uu eedeeyay sarkaal katirsan booliiska taraafikada oo lagu magacaabo Anupam Singh inuu ka dalbaday laaluush dhan 10,000 rupees, isla markaana ugu hanjabay inuu kusoo oogi doono dacwado been abuur ah oo xabsi keeni kara haddii uu kahor yimaado in gaarigiisa la xayiro.
Dhacdadan ayaa sii xoojisay eedeymaha la xiriira takooridda hay’adaha dowladda iyo bulshada Muslimiinta ee gobolka Uttar Pradesh. Dad badan oo isticmaala baraha bulshada iyo u-doodayaasha xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in si hufan loo baaro arrintan isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd.
Dhankiisa, Mohammad Danish ayaa codsaday in kiiska si caddaalad iyo hufnaan leh loo baaro. Ilaa iyo hadda, waaxda booliiska taraafikada kama aysan soo saarin wax war rasmi ah oo ay kaga jawaabayaan eedeymaha loo jeediyay.
Muuqaalka dhacdadan ayaa weli si weyn ugu faafaya baraha bulshada wuxuuna dib usoo nooleeyay doodaha ku saabsan xiisadaha diimeed iyo hab-dhaqanka booliiska ee gobolka Uttar Pradesh.