MUQDISHO (HN) – Muddo dheer ayay dadka ka hadlayeen in AI-ga iyo robot-yada ku shaqeeya sirdoonka macmalka ahi ay shaqooyinka aadanaha la wareegi doonaan. Laakiin yaa filayay in xattaa tuugsatada waddooyinka aysan ka badbaadi doonin? Sida ay sheegayaan warar kala duwan, robot-yo bani’aadam u ekayaal ah ayaa dhawaan bilaabay inay tuugsadaan iyaga oo galaya boosaskii ay hore ugu sugnaayeen tuugsatada dadka ah.
Warbaahinta Hong Kong ee HK01 ayaa dhawaan sheegtay in robot-yo badan oo bani’aadam u eg lagu arkay waddooyinka magaalooyinka Shiinaha sida Beijing, Chengdu iyo Fuzhou. Tani waxay muujinaysaa in arrintu aysan ahayn dhacdo kaliya oo gaar ah, balse laga yaabo inay tahay bilowga is-bedddel cusub.
Dadkii robot-yadan dhigay waddooyinka waxay hubiyeen inay qaataan muuqaalka saxda ah ee tuugsatada. Qaar ayaa jilbaha u fadhiya iyaga oo madaxa hoos u dhigaya, halka kuwo kalana ay foorarsan yihiin iyaga oo sita fariimo ay kamid yihiin: ‘Ma hayo lacag aan telefoonkayga ku dallacdo iyo Fadlan iga bixi biilka korontada.’
Waxay sidoo kale wateen QR code-yo si ay dadku ugu diraan lacago online ah.
Sawirrada robot-yadan tuugsanaya waxay toddobaadkan si degdeg ah ugu faafeen baraha bulshada Shiinaha, taas oo dhalisay dood kulul. Qaar badan ayaa ka walaacay in AI-gu uu si tartiib tartiib ah ula wareegayo dhinac kasta oo nolosha aadanaha ah, halka kuwo kalena ay shaki geliyeen inay dhacdadani dhab tahay.
Robot-yada casriga ah sida; Unitree G1 iyo Unitree H2 ayaa kamid ah kuwa ugu horumarsan suuqa, balse qiimahoodu aad buu u sarreeyaa. Sidaas darteed, in looga tuugsado waddooyinka ma ahan arrin dhaqaale ahaan suurtagal ah.
Qaar kamid ah dadka falan-qeeya arrintan ayaa soo jeediyay in muuqaalladan yaabka leh laga yaabo inay yihiin ban-dhigyo farshaxan ama tijaabooyin bulsho oo loogu tala-galay inay dadku ka fikiraan xiriirka sii adkaanaya ee ka dhaxeeya aadanaha iyo robot-yada ku shaqeeya AI-ga.
Su’aasha ugu weyn oo doodda dhalisay ayaa ah: haddii robot qaali ah loo isticmaalo tuugsi, ma tuugsi dhab ah baa mise waa farriin ku saabsan mustaqbalka uu AI-gu ku yeelan karo bulshada?!

