HomeLa-yaabkaHaweeney caan ah oo Hantideeda ugu dhex faantay Baraha Bulshada oo ugu...

Haweeney caan ah oo Hantideeda ugu dhex faantay Baraha Bulshada oo ugu dambeyntii sidii la filan karay loo dhacay!

MUQDISHO (HN) – Rachna Gurjar oo ah haweeney caan ka ah baraha bulshada Hindiya waxay sumcad ku kasbatay YouTube-ka iyo baraha kale inay kusoo bandhigi jirtay lacago iyo dahab badan. Si kastaba, dhowaan waxay dhibbane u noqotay tuugo u dhacay dahabkeedii iyo hantideedii qaaliga ahayd.

Sida ay sheegtay Gurjar, falkan wuxuu dhacay habeen iyada iyo qoyskeedu hurdeen gurigooda oo ku yaalla degmada Shivpuri ee gobolka Madhya Pradesh. Rag aan la aqoonsan ayaa jaray xeyn-daabka guriga ku wareegsanaa, kadibna gudaha usii galay. Waxay xireen albaabka qolka ay qoysku hurdayeen si aysan uga soo bixin.

Rachna iyo ninkeeda ayaa sheegay inay ogaadeen in wax khaldan yihiin qiyaastii 4-tii aroornimo, markii midkood soo toosay oo uu arkay in albaabkii qolka uu xiran yahay. Waxay isku dayeen inay furaan balse way ku guuldareysteen, sidaas darteed waxay waceen qaraabo deris la ahaa si ay uga caawiyaan inay bannaanka uga soo saaraan.

Markii ugu dambeyntii albaabka laga furay, waxay arkeen calaamado cadcad oo muujinaya in tuugo guriga usoo dhacday. Meelo badan oo alaabaha lagu keydiyo ayaa la qasay. Waxaa la waayay dahab, lacag caddaan ah iyo xattaa kartoon cabitaan tamareed ah. Booliisku waxay bilaabeen baaritaan, balse weli lama aqoonsan tuugada.

Gurjar waxay tiri: “Qiimaha hantida la dhacay waxay u dhaxaysaa 8 lakh ilaa 10 lakh oo rupees ah (qiyaastii $8,000 ilaa $10,500). Waxay sidoo kale beddeleen jihada kamaradaha CCTV-ga iyaga oo adeegsanaya ul bamboo ah si aan wejiyadooda loo duubin.”

Booliiska ayaa hadda baaraya kiiskan. Waxaana mid kamid ah raadadka ugu muhiimsan uu yahay dhaq-dhaqaaqa Rachna Gurjar ee baraha bulshada. Waxay dhawaan soo duubtay muuqaallo ay gudaha gurigeeda kaga soo bandhigayso dahabkeeda iyo lacag fara badan oo ay la wadaagtay ku dhawaad 100,000 oo taageerayaal ah. Baarayaashu waxay rumeysan yihiin in tani ay sababtay in tuugadu bartilmaameedsadaan.

Iyada oo booliisku isku dayayaan inay aqoonsadaan ragga wejiyada qarsaday oo kasoo muuqday muuqaallada CCTV-ga, haddana dhacdadan waxay dhalisay dood kulul oo internet-ka ka socota oo ku saabsan halista ka dhalan karta in dadka ay baraha bulshada kusoo ban-dhigaan hantidooda iyo muuqaalka gudaha guryahooda.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments