MUQDISHO (HN) – Robert Lee waa 24 jir kasoo jeeda New York. Wuxuu kamid yahay dadka yar ee fara-ku-tiriska ah oo ka tanaasula fursadaha shaqooyinka waaweyn si ay aqoontooda ganacsi ugu adeegsadaan wax-ka-beddelka bulshadooda. Wuxuu kamid yahay aas-aasayaasha ururka Rescuing Leftover Cuisine (RLC) oo ah hindise loogu tala-galay in lagu yareeyo gaajada magaalooyinka iyada oo la ururinayo cuntada dheeraadka ah beddelkii la tuuri lahaa kadibna la gaarsiinayo dadka baahan.
Robert Lee wuxuu sheegay in xiisihiisa ku saabsan ilaalinta cuntada uu ka dhaxlay waalidkiis oo ahaa soo-galooti u dhashay Koofur Kuuriya. Waalidkiisu waxay ku adkayn jireen in cuntada saxanka saaran oo dhan la dhammeeyo oo aan waxba lasoo reebin.
Markii uu jaamacadda dhiganayay, wuxuu samafale ka noqday Ururka Labo Shimbir Hal Dhagax (Two Birds One Stone) isaga oo cuntada dheeraadka ah ee maqaayadaha jaamacadaha u gudbin jiray hoyga dadka darbi-jiifka ah. Intii uu howshaas ku jiray ayuu ogaaday in nidaamkan loo beddeli karo mashruuc weyn oo si ballaaran loo hir-gelin karo.
Maanta Lee iyo kooxda samata-bbixiyeyaasha cuntada ee RLC waxay dhex maraan waddooyinka magaalada New York iyaga oo ka ururiya makhaayadaha iyo kafateeriyada bacaha cuntadii la tuuri lahaa. Kadibna cuntadaas waxaa si degdeg ah loo geeyaa xarumaha dadka Darbi-jiifta ah lagu quudiyo.
Kooxdu waxay maalin kasta ururin kartaa inta u dhaxaysa 5 ilaa 120 saxan oo cunto ah.
Shaqadoodu kuma koobna oo keliya ururinta iyo gaarsiinta cuntada. Waxay sidoo kale si faahfaahsan u diiwaan-geliyaan xogta dhammaan cuntada lagu deeqay. Xogtan waxay ka caawisaa makhaayadaha inay fahmaan halka ay cuntadu ku khasaarayso iyo sida loo hagaajin karo habka deeq-bixinta.
Tani waxay ka dhigaysaa RLC qaab ganacsi laga hir-gelin karo meelo badan oo adduunka ah.
Sida uu sheegay ururku, hadafkoodu waa: inuu noqdo xalka ugu isticmaalka badan dunida oo shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka caawinaya inay meesha ka saaraan khasaaraha cuntada kana dhigaan badbaadinta cuntada mid waarta – gaajadana wax laga soo tagay oo aan in badan dunida maanta ka jirin.
Ururku wuxuu gaajada iyo khasaaraha cuntada uga shaqeeyaa saddex hab: in arrimaha loo xaliyo heer bulshooyin oo maxalli ah; tiknoolojiyadda oo loo adeegsado ogaanshaha iyo maareynta cuntada dheeraadka iyo yareynta khasaaraha cuntada asal ahaan – iyada oo wixii soo hara la gaarsiinayo meelaha looga baahan yahay.
Qaabkan waxay makhaayadaha iyo shirkadaha cuntada bixiya isticmaali karaan app taleefan si ay u sheegaan marka ay hayaan cunto dheeraad ah. Mutadawiciinta iyo xubnaha bulshada ayaa markaas qaadi kara cuntadaas oo gaarsiin kara dadka u baahan.
Sidoo kale xogta la ururiyo waxaa lagu falanqayn karaa si loo ogaado goorta iyo halka khasaaraha cuntadu ka dhaco, taas oo ka caawinaysa in mustaqbalka la yareeyo.
Lee wuxuu sheegay in safarkiisa ganacsi uu ahaa mid culays iyo walwal badan leh, laakiin dadaalkiisa hadda la aqoonsanayo.
Isaga iyo la-aasaasihiisa Louisa Chen ayaa helay taageero iyo aqoonsi ka yimid DoSomething, oo ah mid kamid ah ururrada ugu waaweyn ee dhalinyarada mutadawiciinta ah ee Maraykanka.
Waxay sidoo kale ku guuleysteen deeq lacageed oo dhan $10,000 oo ay bixisay KIND. RLC ayaa si tartiib tartiib ah ugu fidaysa dalka oo dhan iyada oo laamo laga furay magaalooyinka: Los Angeles, Albany, San Francisco iyo Miami.
Lee iyo kooxdiisu waxay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan yaraynta gaajada iyo joojinta khasaaraha weyn ee cuntada la lumiyo maalin kasta.


