HomeDunida Muslimka"Alxamdullilah - waxaan ahay Muslim." - Sheekada Ayush Malik.

“Alxamdullilah – waxaan ahay Muslim.” – Sheekada Ayush Malik.

MUQDISHO (HN) – Magaalada Shamli ee gobolka Uttar Pradesh, wiil 30 jir ah oo la yiraahdo Ayush Malik ayaa si cad u sheegay in qaadashadiisa diinta Islaamka ay ahayd go’aan uu isagu si xor ah u qaatay oo aysan jirin cid ku qasabtay ama khiyaamaysay!

Isaga oo la hadlayay warbaahinta, Ayush wuxuu yiri: “Si kasta ha ahaatee la ima qasbin, la imana khiyaamayn. Islaamka waan garanayay tan iyo yaraantaydii. Waan qaatay sababta oo ah waan ku qancay. Hadda waxaan ahay Muslim, Alxamdulillaah.”

Muranka ayaa bilowday kadib markii aabbihiis, Devraj Malik, oo ah ganacsade caan ah oo ka shaqeeya qalabka caafimaadka, uu booliska u gudbiyay dacwad. Wuxuu ku eedeeyay Chandni Qureshi iyo aabbaheed Islam Qureshi inay wiilkiisa dabin u dhigeen si ay u helaan hantida qoyska.

Chandni, oo ahayd tababbare jimicsi ayaa xiriir jaceyl la yeelatay Ayush oo ugu dambayn keentay inay is guursadaan. Chandni iyo aabbaheed ayaa hadda ku jira xabsi ku-meel-gaar ah kadib markii booliska Shamli ay xireen.

Taliyaha Booliiska degmada Shamli, NP Singh, ayaa sheegay in Devraj Malik uu yahay ganacsade si wanaagsan loo yaqaan, isla markaana dhalay saddex gabdhood oo la qabo iyo hal wiil oo ah Ayush.

Qoyska ayaa sheegay in Ayush uu ka fogaaday reerka, isla markaana uu hadda leeyahay gar dheer uuna xirto koofiyad iyo qamiis Islaami ah – aadna uu xiriirkooda u yareeyay.

Booliisku waxay sidoo kale xuseen in Ayush uu xiiseeyo muxaadarooyinka iyo tafsiirka Qur’aanka oo uu jeedin jiray Israr Ahmed, oo ahaa caalim Pakistani ah oo geeriyooday, kana caan baxay Koonfurta Aasiya.

Ayush wuxuu si adag u diiday eedeymaha sheegaya inuu si lama filaan ah u xagjiroobay – micnaha Islaamka u qaatay – ama uu dan ka leeyahay hantida qoyskiisa. Wuxuu sheegay in safarkiisa dhinaca Islaamka uu ahaa mid tartiib tartiib ah u socday sannado badan oo uu wax akhrinayay waxna ka baranayay diinta.

Wuxuu yiri: “Ma ahayn in maalin kaliya wax igu soo dhaceen. Cidna iguma qasbin inaan raaco Dr. Israr. Waxaan jeclahay muxaadarooyinkiisa, sidaas darteed ayaan u dhageystaa.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu bishii Febraayo qoyskiisa u sheegay inuu Islaamay iyo inuu guursaday gabar Muslimad ah. Intaa waxaa dheer, wuxuu caddeeyay inuusan dan ka lahayn hantida aabbihiis, isaga oo soo jeediyay in hantida loo qeybiyo hooyadiis iyo walaalihiis gabdhaha ah.

In kasta oo khilaafku jiro, Ayush wuxuu sheegay inuu weli jecel yahay labadiisa qoys: “Weli waa qoyskayga, waxaana jeclahay labada dhinac. Midna kama tagi karo si aan mid kale ula joogo.”

Waxaa kale oo uu sheegay in aabbihiis laga yaabo inuu cadaadis kala kulmayo kooxo garabka midigta ah oo Xisbiga BJP kamid ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments