HomeLa-yaabkaDaawo - Nin Eeygiisa u tababaray inuu Qashinka ku daadiyo jidadka oo...

Daawo – Nin Eeygiisa u tababaray inuu Qashinka ku daadiyo jidadka oo la xiray!

MUQDISHO (HN) – Muuqaalkani wuxuu ka hadlayaa dhacdo ka dhacday magaalada Catania ee dalka Italy, halkaas oo kamaradaha CCTV-ga ay duubeen eey afka ku sida bacaha qashinka oo ku tuuraya waddada.

Booliisku waxay rumaysan yihiin in eeyga uu tababaray milkiilihiisa si uu qashinka ugu daadiyo meel aan loo oggolayn, taas oo ka caawinaysa milkiiluhu inuu ka fogaado in kamaraduhu qabtaan isaga oo qashinka tuuraya. Kadib baaritaan lagu sameeyey, maamulka ayaa ganaax ku soo rogay milkiilaha eeyga.

Maamulka Catania ayaa sheegay in qashinka oo si sharci darro ah loo daadiyo ay waxyeello u tahay deegaanka iyo in adeegsiga xayawaanka si loo jebiyo sharciga aysan cudurdaar noqon karin. Waxaas intaas dheer in ficilkan uu yahay khiyaano iyo masuuliyad darro.

Sida uu qabo sharciga Talyaaniga, qofka lagu qabto qashin si sharci darro ah u daadinaya waxaa lagu ganaaxi karaa lacag u dhexeysa €1,500 ilaa €18,000.

Waxa ugu yaabka badan sheekadan ayaa ah in eeyga laftiisa aan la ganaaxin balse milkiilaha loo arkay qofka mas’uulka ka ah ficilkiisa.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments