MUQDISHO (HN) – Shaqaale kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee dalka Kuwayt ayaa xabsi dhan shan sannadood ku mutaysay qaadashada mushahar joogto isaga oo aan shaqeynin muddo 10 sannadood ah. Maxkamadda dalka Kuwayt ayaa shan sannadood oo xabsi ah iyo bixinta adduun lacageed oo gaaraya KD312,000 ($1,016,000)Â ku riday shaqaale rayid oo sifo sharci-darro ah ku qaadanayay mushahar xafiisyada dadweynaha isaga oo aan marna usoo shaqo tagin howlaha rayidka ee mid kamid ah dowladaha hoose ee magaalooyinka dalkaas.
Dukumentiga shaqada ninkan oo aan magaciisa loo soo bandhigin warbaahinta ayaa muujinaya inuu ahaa shaqaale kamid ah qeybta adeegga dadweynaha balse uusan weligiis cagta soo dhigin muddo 10 sannadood ah xafiiska, haddana wuxuu sida shaqaalaha kale bil walba bilowgeeda uu heli jiray lacagtii loogu tala-galay inuu qaato. Markii haddaba, dib loogu sameeyey baaritaan, maamulka ayaa kusoo oogay dacwad la xiriirta iska cantuuggidda xoolaha umadda iyo ku xadgubidda xeerka shaqada.
Maxkamadda ayaa kasokow xukunka shanta sannadood ah oo ay ku riday ninkan, waxay amartay inuu iska soo celiyo isku darka lacagtii uu mushahar ahaan u qaadan jiray iyo lacag kale oo ganaax ah oo loogu sii daray!
Go’aanka oo ah midkii ugu adkaa oo dhawaan ay gaartay maxkamadda ayay dowladda Kuwayt sheegtay inay uga gol leedahay kahor-tagga lunsiga iyo gurashada xoolaha umadda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.