HomeLa-yaabkaLa kulan: Ninka 7$ oo uu xaday ku waayay $84,000 oo la...

La kulan: Ninka 7$ oo uu xaday ku waayay $84,000 oo la siin lahaa!

MUQDISHO (HN) – Wade bas oo Jabaan u dhashay kaas oo waaya’aragnimo 30 sannadood gaaraysa ka heysta baabuur wadida ayaa lacag uu aayamaal u qaadan lahaa marka uu howlgabka noqdo oo gaaraysa $84,000 si la-yaab leh ku seegay!

Waayo waxaa lagu qabtay isaga oo xadaya lacag gaaraysa 7 doollar. Sannadkii 2022, xubno katirsan waaxda gaadiidka dowladda hoose ee Kyoto ayaa indhaha ku dhuftay mid kamid ah wadayaasha basaska oo jeebka kusii ridanaya lacag gaaraysa 1,000-yen una dhiganta 7$ halkii uu ku hubsan lahaa meesha loogu tala-galay in lagu rido waxyaabaha luma ama la helo. Markii la isku dayay in lagu qarxiyo xaqiiqadana, waa uu dafiray laakiin wuxuu ku waayay shaqadiisa oo waa la eryay! Intaasna loogama harine, waxaa sidoo kale laga joojiyay inuu helo lacag dhan 12-million-yen oo ahayd mid loogu tala-galay in la siiyo marka uu shaqada ka fariisto!

Ninkan oo aan magaciisa la sheegin, wuxuu dacwad u gudbiyay maxkamadda laakiin waa lagu gacanseyray sababtana waxaa loogu sheegay inuu dhantaalay – shakina ku beeray – kalsoonida bulshada iyo amaanada dadweynaha ee goobaha kulantida.

Waxaase mar kale il naxariis leh lagu eegay go’aankiisa oo maxkamadda racfaanka waxay sheegtay inuu aad u kakanaa, hayeeshe, taasi uma suuragalin mar kale in laga dhaafo xukunkii ku dhacay! Hadda wuxuu si rasmi ah u waayay lacag gaaraysa 12 milyan oo yuan ah oo 1,000-yuan oo uu xaday ay sabab u noqotay!

Guddiga gaadiidleyda ayaa sidoo kale sheegay in go’aankani xoojinayso kalsoonida bulshada ay ku qabaan adeeggooda iyo inaan lagu xadgudbin amaanada iyo xalaal-miirashada. Jabaan waa dalka ugu amaanada badan dunida oo ay adag tahay in lacag lagaa xado iska daa in lagaa dhaco’e.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments