HomeDunida MuslimkaFeeryahanka Birta ah oo qaatay diinta Islaamka.

Feeryahanka Birta ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahan Rodtang Jitmuangnon oo ah horyaalka feerka Muay Thai ayaa qaatay diinta Islaamka kahor inta uusan guursan gacalisadiisa Muslimadda ah. Waxaana loo qabtay shahaadada ama kalmadda tawxiidka.

Halyeygan ayaa loo yaqaan ninka birta ah ‘the iron man’. Wuxuu markii hore soo noqday Buudis laakiin kuma helin xasilooni iyo raaxo. Wuxuuna ugu dambeyntii qaatay Islaamka.

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana sannad kasta la rumeysan yahay inay kusoo biiraan bulshada Muslimka ah in ka badan 100,000 oo qof.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments